4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 4 , 2013
Sh. Axmed Madoobe oo shir jaraa’id oo uu Kismaayo ku qabtay kaga hadlay Arrimo uu ku jiro Heshiiskii Addis Ababa [SAWIRRO]



Arbaco, September 04, 2013 (HOL) — Shir-jaraa’id oo maanta madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) uu ku qabtay xarunta madaxtooyada magaalada Kismaayo ayaa uga warbixiyay arrimo badan oo ay kamid yihiin: heshiiskii ka dhacay magaalada Addis Ababa, dhameystirka maamulka iyo weliba shirarka ka dhici doona magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo.

Sheekh Axmed Madoobe ayaa ugu horeyn sheegay in shirkii ka dhacay magaalada Addis Ababa ee ay heshiisyada ku kala saxiixdeen maamulka Jubba iyo dowladda Federaalka Soomaaliya uu ahaa mid kusoo dhamaaday guul, wuxuuna xusay in heshiiska ay gaareen labada dhinac uu yahay mid guul u ah guud ahaan shacabka Soomaaliya gaar ahaan shacabka ku dhaqan Jubooyinka.

“Juhdi badan, sabir badan iyo isu-tanaasulaad badan ayey labada dhinac la yimaadeen, juhdigaas oo dhan marka la isu geeyayna ay sababtay in dhacaan heshiisyadii taariikhiga ahaa ee ka dhacay Adisababa,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Sidoo kale Sheekh Axmed Madoobe ayaa u mahadceliyay madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo xusay in Madaxweynuhu uu dadaal dheer geliyay sidii labada dhinac uu u dhexmari lahaa Is-fahan. Sh. Axmed Madoobe ayaa dhinaca kale ku ammaanay dowladda Itoobiya dadaalkii ay u gashay in wada-hadalladaasi ay guul kusoo dhamaadaan.

Mas'uulkan ayaa sheegay in muhiimadda koowaad ay siiyeen sidii loo xallin lahaa khilaafkii u dhexeeyay labada dhinac, wuxuuna tilmaamay in aysan wax micno ah sameyneyn magacii hore ee maamulka ee isbadalka lagu sameeyay.

Gabagabadii Madaxweynaha Maamulka Jubba ayaa sheegay in uu tagi doono magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya isagoona sidoo kale ugu baaqay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya in uu yimaado magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Dhawaan ayay ahayd markii magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya ay heshiis ku kala saxiixdeen wufuud ka kala socotay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubba, waxaana heshiisyadaasi siyaabo kala duwan looga soo dhaweeyay inta badan gobollada dalka Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya