4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 4 , 2013
Madaxweynaha Maamulka Puntland oo Shuruud adag ku xiray Wadahadallo uu Maamulkiisu la furo Dowladda Soomaaliya

Arbaco, September 04, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole, oo horraantii bishii lasoo dhaafay ee August uu maamulkiisu sheegay inuu xiriirka u jaray dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa shuruud ku xiray inay wada-hadallo la furaan.

Faroole oo isagoo ku sugan dalka Itoobiya wareysi siinayay telefishinka Somali Channel ee afka Soomaaliga ku hadla, ayaa xusay in xiriirka iyaga iyo dowladda Soomaaliya u dhaxeeya uu yahay mid salka ku haya dastuurka dalka, isagoo ku baaqay in dib looga noqdo qodobbadii laga bedelay dastuurka.

"Wada-hadallo aan la furno dowladda Soomaaliya waxaa ka horreeya in la aqbalo in dastuurkii laga bedelay 31-ka qodob dib loosoo celiyo, markaas ayaan ogolaan karnaa inaan wada-hadalka ogolaanno," ayuu yiri Faroole.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku adkeystay in dastuurka wax laga bedelay, isla markaana midka hadda lagu dhaqmayo uu yahay mid aan ahayn kii lagu saxiixay Muqdisho, isagoo sheegay inaysan ogolaan karin dastuur wax laga bedelay.

“In dib loogu soo celiyo qodobbada aan sheegnay in laga bedelay dastuurka wax aan ahayn oo aan aqbalayno ma jirto. Dowladdana wax wadah-adal ah la geli mayno inta dastuurka dib loogu soo celinayo kiisii hore,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhawaan kulan uu magaalada Nairobi ee  dalka Kenya kula yeeshay ergadii maamulka Jubba uga qayb galay shirkii Addis Ababa, wuxuu ku sheegay inuu aqoonsaday heshiiskii ay Addis Ababa ku kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo maamulkii Jubbooyinka.

Hadalka madaxweynaha maamulka Puntland ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu toddobaadkii hore Muqdisho ka sheegay inay wada-hadallo la furayaan maamulka Puntland ayna kala hadli doonaan wixii keenay inay xiriirka u jaraan dowladda dhexe.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya