Madaxweynaha Maamulka Puntland oo Shuruud adag ku xiray Wadahadallo uu Maamulkiisu la furo Dowladda Soomaaliya
Arbaco,
September 04, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh
Maxamed Faroole, oo horraantii bishii lasoo dhaafay ee August uu
maamulkiisu sheegay inuu xiriirka u jaray dowladda dhexe ee Soomaaliya
ayaa shuruud ku xiray inay wada-hadallo la furaan.
Faroole
oo isagoo ku sugan dalka Itoobiya wareysi siinayay telefishinka Somali
Channel ee afka Soomaaliga ku hadla, ayaa xusay in xiriirka iyaga iyo
dowladda Soomaaliya u dhaxeeya uu yahay mid salka ku haya dastuurka
dalka, isagoo ku baaqay in dib looga noqdo qodobbadii laga bedelay
dastuurka.
"Wada-hadallo
aan la furno dowladda Soomaaliya waxaa ka horreeya in la aqbalo in
dastuurkii laga bedelay 31-ka qodob dib loosoo celiyo, markaas ayaan
ogolaan karnaa inaan wada-hadalka ogolaanno," ayuu yiri Faroole.
Madaxweynaha
Puntland ayaa ku adkeystay in dastuurka wax laga bedelay, isla markaana
midka hadda lagu dhaqmayo uu yahay mid aan ahayn kii lagu saxiixay
Muqdisho, isagoo sheegay inaysan ogolaan karin dastuur wax laga bedelay.
“In
dib loogu soo celiyo qodobbada aan sheegnay in laga bedelay dastuurka
wax aan ahayn oo aan aqbalayno ma jirto. Dowladdana wax wadah-adal ah la
geli mayno inta dastuurka dib loogu soo celinayo kiisii hore,” ayuu
hadalkiisa ku daray.
Madaxweynaha Puntland ayaa dhawaan kulan uu magaalada Nairobi ee dalka
Kenya kula yeeshay ergadii maamulka Jubba uga qayb galay shirkii Addis
Ababa, wuxuu ku sheegay inuu aqoonsaday heshiiskii ay Addis Ababa ku
kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo maamulkii Jubbooyinka.
Hadalka
madaxweynaha maamulka Puntland ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo madaxweyne
Xasan Sheekh Maxamuud uu toddobaadkii hore Muqdisho ka sheegay inay
wada-hadallo la furayaan maamulka Puntland ayna kala hadli doonaan wixii
keenay inay xiriirka u jaraan dowladda dhexe.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya