4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 4 , 2013
Kooxo Hubeysan oo mid ka mid ah Nabaddoonada ugu Caasan Gobolka Bay xalay ku toogtay Bartamaha Magaalada Baydhabo

Arbaco, September 04, 2013 (HOL) — Yuusuf Cali sheekh oo ka mid ahaa malaaqyada ugu caansan  Koonfurta Soomaaliya ayaa xalay markii uu kasoo baxay salaadda cishaha lagu diley inta u dhaxeyso gurigiisa iyo masaajidka, waxaana dilay labo qof oo bastoolada ku hubeysan, kuwaasoo madaxa kaga dhuftay saddex xabbadood, iyadoo raggaasi dilka gaystay ay baxsadeen.

Yuusuf Cali Sheekh waxuu kaloo ahaa mu’adin masaajid iyo nabaddoon ka mid ah malaaqyada Digil iyo Mirifle, da’adiisuna waxay ahayd 76-jir aad looga yaqaano deegaannada Koonfurta Soomaaliya.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka billowday baaritaanno lagu raadinayo ciddii falkaas geystey, iyadoo magaalada aad ku arkaysid ciidammo aad u fara badan oo ku sugan xaafadda uu deggenaa malaaq Yuusuf Cali Sheekh.

Hiiraan Online, Baydhabo