4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 4 , 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo xalay kulamo kula Qaatay Marko Waxgarad kasoo jeeda Gobolka Shabeellada Hoose

Arbaco, September 04, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose ayaa xalay la kulmay odayaasha iyo waxgaradka ku nool gobolkaas isagoo kala hadlay horumarinta dowladnimada.

Madaxweyne Xasan oo ay wehliyeen xubno isugu jira wasiirro, xildhibaanno ayaa hadal uu u jeediyay odayaasha wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin: ammaanka iyo horumarinta gobolka, isagoo xusay in dowladdu ay waxgaradka iyo odayaasha uga baahan tahay inay arrimo badan kala shaqeeyaan.

“Magaalada Marko waxaa loo sameyn doonaa ciidammo booliis ah oo edeb iyo tababar wanaagsan leh, kuwaasoo ay soo xusheen dadka deegaanka. Waxayna dowladdu idiin ballanqaadaysaa inaan wixii hadda ka dambeeya waxba la idiin soo magacaabi doonin,” ayuu madaxweynuhu ku yiri wax-garadkii uu la kulmay.

Wafdiga madaxweynaha oo shalay gaaray degmada Marko ayaa xalay halkaas ku hoyday, iyadoo madaxtooyadu ay beenisay in la weeraray wafdiga madaxweynaha Soomaaliya xilli ay shalay kusii socdeen degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose.

Maalmihii ugu dambeeyay magaalada Marka waxaa ka socday kulamo looga arrinsanayay xaalada ammaan gobolka iyo sidii loo dhameystiri lahaa heshiis la kala dhex-dhigay beelo ku dagaalay degaanno ka mid ah gobolkaas.

Booqashada madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay dhegmada Marko isagoo dhulka maraya ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysey ee nooceeda ah ee uu ku tago deegaan ka tisran Soomaaliya. Inkastoo uu horay u booqday deegaanno ay dowladdu ka taliso.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya