4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 4 , 2013
Ban Ki Moon oo ka digay in Soomaaliya ay dib ugu laabato halkii ay ka timid, kuna baaqay in la taageero Ciidanka AMISOM

Arbaco, September 04, 2013 (HOL) — Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon, ayaa sheegay in laga yaabo in Soomaaliya ay dib ugu laabato guul darradii ay kasoo baxday, isagoo dalalka caalamka ugu baaqay inay diyaaradaha qummaatiga u kaca ee helicopters-ka ah ay ugu deeqaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, si ay ugu weeraraan Al-shabaab.

Moon ayaa sidoo kale ugu baaqay xubnaha Golaha Ammaanka oo ay ku jiraan kuwa Afrika inaysan xoogga saarin sidii ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya ay ku heli lahaayeen diyaarado ay ku weeraraan Al-shabaab oo weli deegaanno badan oo Soomaaliya ku yaalla ka talisa.

“Siyaasaddda, ammaanka iyo horumarka Soomaaliya ay gaartay weli waa kuwo uu isbedel ku imaan karo,” ayuu Ban Ki Moon ku yiri warbixin uu u gudbiyay Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay talaadadii shalay.

Xog-hayaha guud wuxuu sheegay in kooxda Al-shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida ay carqalad ku hayso ammaanka guud ee Soomaaliya oo ay ku jirto magaalada Muqdisho ee xarunta ah.

“Al-shabaab oo sii wadata tababarrada ay siinayso ciidamadeeda iyo xiriirka ay la sameynayso kooxaha argagaxisada ah sidii ay Soomaaliya xarumo uga dhigan lahaayeen, taasi ma ahan oo keliya in ammaanka Soomaaliya oo keliya ay khatar ku tahay, balse waxay saameyn ku yeelan kartaa gobolka oo dhan,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM loo yaqaan ayaa waxaa taageero siiya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo qorshuhu yahay in lagu bedelo ciidammo nabad ilaalineed oo ka socda Qaramada Midoobay, balse ma jiro go’aan cad oo weli arrintaan lagu gaaray.

Xarakada Al-shabaab ayaa tan iyo markii ay dagaalka la gashaya dowladdii KMG ahayd ee uu hoggaaminayay Sheekh Shariif waxay ugaarsi xooggan ku haysay shaqaalaha Qaramada Midoobay, illaa ay weerarto xaruntii ay ku lahaayeen Muqdisho bishii Juun ee sannadkan, halkaasoo ay ku dhinteen shaqaale Soomaali iyo ajnabi isugu jiray oo ka tirsanaa xarunta UNDP ee Muqdisho.

Hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa iyaduna bishii hore isaga baxday Soomaaliya oo dhan, kaddib markii ay sheegtay inay khataro kala kulantay kooxaha hubeysan ee Soomaalida ah, taas darteedna aysan kasii shaqeyn karin Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya