3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 30, 2013
Hay’adda Xasaradaha Adduunka ee ICG oo sheegtay in Al-shabaab ay ciidan u dagaalama ka Qoranayso Gudaha Kenya

Isniin, September 30, 2013 (HOL) — Haya’daha xasaradaha dunida ee International Crises Group (ICG) ayaa maanta oo Isniin ah sheegtay in Al-shabaab ay billowday inay ciidammo u dagaalama, weerarrana ka geysata gudaha dalka Kenya ay ka qoranayso gudaha dalkaas.

Madaxa Afrika ee hay’adda ICG, E.J. Hogendoom ayaa daboolka ka qaaday inay sare u sii kacayaan tababarrada gudaha Kenya lagu siinayo dhallinyarada dalkaas u dhashay, si loogu adeegsado dagaallada ay Al-shabaab ku jirto.

“Waxaa jira tiro dhallinyaro ah oo Al-shabaab ay ka qoratay Kenya, iyagoo kuwood ugu badan ka qoratay gobolka Waqooyi-bari ee Kenya oo ku dhow soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Sidoo kale, Hogendoom wuxuu intaas ku daray in dadka Al-shabaab ay ka qoranayso dalka Kenya ay yihiin dadka isir ahaan kasoo jeeda Soomaalida, inkastoo dad kale oo Kenyan ah ay iyagana qoranayso.

“Hoggaamiyeyaasha Al-shabaab waxay dadaal weyn ugu jiraan sidii dadka ku hadla afka Soomaaliga ay ugu dhaadhicin lahaayeen fikirkooda, si ay ugu dagaalamaan,” ayuu mar kale yiri Hogendoom.

Sarkaalkan ayaa hadalkiisa ku daray in ururka Al-shabaab oo ka taliya qaybo Soomaaliya sida Koonfurta iyo bartamaha ay billaabeen hadda inay fikirkooda ku beeraan shacabka Kenya iyagoo ugaasanaya ardayda yaryar ee iskuullada dhigta.

“Waxay doonayaan in dhammaantood ay iyaga kusoo biiraan, si ay dagaalka Somalia ugana fuliyaan weerarro argagaxiso gudaha dalka Kenya," ayuu Hogendoom mar kale yiri. Isagoo hoosta ka xariiqay in fikradaha ay Al-shabaab ku duufsanayso dhallinyarada ay yihiin kuwo noocyo badan.

Hay’adda ICG ayaa sheegtay in Al-shabaab ay ku qancinayso Kenyaanka inay ururkooda kusoo biiraan, iyadoo sidoo kalena dadka ay la xiriirayso ku sheegtay inay ku jiraan xubno ka tirsan ciidamada ammaanka Kenya sida booliiska.

“Dowladda Kenya waa inay qaaddo tallaabooyin ay kaga hortagayso in Al-shabaab ay ku duufsato shacabkeeda, taasoo khatar ku ah dalkeeda iyo dadkeeda,” ayuu Kenya kula taliyay.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in dowladda Kenya looga baahan yahay inay xil weyn iska saarto sidii ay fikradaha ururka Al-shabaab ee lagu baahinayo deegaannada dhaqaale ahaanta aad u hooseeya sida kuwa ay Soomaalidu ku nool yihiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
9/30/2013 10:49 AM EST
Isniin, September 30, 2013 (HOL) — Kadib munaasabad lagu qabtay maanta saldhiga booliiska magaalada Beledweyne ee xarunta gobollka Hiiraan ayaa lagu wareejiyay taliska booliiska maamulka gobolka is-gaarsiin casri oo sida la sheegay qeyb ka noqon doonta agabka ay ku howlgalaan ciidamada.

9/30/2013 10:27 AM EST
Isniin, September 30, 2013 (HOL) — Xarunta Jaamacada SAVANNAH ee Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabtay xaflad lagu soo bandhigay heshiis ay jaamacaddu la gashay jaamacadda Jommo Kenyatta oo ku taalla dalka Kenya, taasoo ay kasoo qaybgaleen aqoonyahanno, arday, ururada bulshada rayidka, madaxda haamacadda iyo marti sharaf kale.

9/30/2013 9:03 AM EST
Isniin, September 30, 2013 (HOL) — Shabakadda Somalimemo oo si weyn u baahin jiray wararka Xarakada Al-shabaab, gaar ahaan dagaallada ay kula jirto dowladda iyo howgallada ay ka sameeyaan gobollada dalka qaarkood ayaa la xiray, iyadoo aan illaa hadda la ogeyn sababta loo xiray.

9/30/2013 8:15 AM EST
Isniin, September 30, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa magaalada Istanbul ee Turkiga kulamo kula qaatay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalkaas, jaaliyadda iyo gudoomiyaha gobolka Istanbul, Huseyin Avni Mulu iyo weliba ganacsato u dhashay dalka Turkiga.

9/30/2013 7:18 AM EST
Isniin, September 30, 2013 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan la dagaalami karin Al-shabaab haddii aysan caalamka ka helin hub iyo qalab ciidan oo ku filan.

9/30/2013 6:52 AM EST
Isniin, September 30, 2013 (HOL) — Dadka barakacayaasha ah ee ku nool qaar kamid ah xerooyinka barakacyaasha ee magaalada Kismaayo ayaa ka cabanaya dhibaatooyinka xaga nolosha, iyadoo lagu gudo jiro xilliga badxiranka oo ay aalaaba istaagaan inta badan dhaqdhaqaaqyada xaga ganacsiga ee gobollada Jubooyinka.

9/30/2013 2:58 AM EST
Isniin, September 30, 2013 (HOL) — Shirka maamul u sameynta gobollada ku yaalla Koonfurta iyo galbeedka Soomaaliya ayaa si dar-dar leh uga socda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, halkaasoo ay gaarayaan qaar ka mid ah ergooyinka gobollada maamulkan ku midoobaya.

9/30/2013 2:55 AM EST
Isniin, September 30, 2013 (HOL) — Qarax ay ku dhaawacmeen shan qof ayaa xalay ka dhacay xerada qoxootiga Dhagaxley oo ka mid ah xeryaha ku yaalla deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya, iyadoo kooxihii weerarkaas ka dambeeyay ay ka baxsadeen.

9/30/2013 2:38 AM EST
Isniin, September 30, 2013 (HOL) — Baarlamaanka dalka Kenya ayaa lagu wadaa inay maanta su’aalo ku saabsan weerarkii Westgate Mall weydiiyaan saraakiisha laamaha ammaanka, sida booliiska iyo nabadsguidda iyo sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha dalkaas, Joseph Ole Lenku.