4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 30, 2013
Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo taliska ciidanka booliiska Gobolka Hiiraan ku wareejisay Maanta Qalab is-gaarsiin (SAWIRRO)


Isniin, September 30, 2013 (HOL) — Kadib munaasabad lagu qabtay maanta saldhiga booliiska magaalada Beledweyne ee xarunta gobollka Hiiraan ayaa lagu wareejiyay taliska booliiska maamulka gobolka is-gaarsiin casri oo sida la sheegay qeyb ka noqon doonta agabka ay ku howlgalaan ciidamada.

Munaasabada waxaa goob joog ka ahaa mas'uuliyiinta heer gobolka iyo degmo, agaasimaha guud ee wasaarrada arrimaha gudaha, xildhibaanno iyo saraakiisha ciidamada booliiska maamulka gobolka Hiiraan ee qalabka lagu wareejiyay.

Agaasimaha wasaarrada arrimaha gudaha Cali Abtidoon Xalane ayaa ku amaanay maamulka gobolka Hiiraa sida uu isaga xil saaray dhismaha ciidamada booliiska Soomaaliya, isaga oo siweyn u soo dhaweeyay nabad-galyada buuxda ee xiligan ka jirta magaalada Beledweyne.

''Waa arin runtii siweyn noo farxad-galineysa habka uu u dhisan yahay booliiska gobolka Hiiraan, waxaana hubaa in qalabka is-gaarsiinta ah ee la guddoon siiyay uu wax weyn ka tarri doono xiriirka ciidamada iyo waliba sugida ammniga,'' ayuu yiri agaasimaha.

Dowladda federaalka ayuu sheegay guud ahaan marka la eego in ay dadaal xoog leh ugu jirto tayeeytan iyo waliba dhismaha ciidamada booliiska Soomaaliyeed oo muhiim u ah sugida ammniga dalka.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo hadal ka jeediyay munaasabada ayaa uga mahad celiyay wasaarrada arrimaha gudaha iyo taliska ciidamada booliiska Soomaaliyeed sida ay isaga xil saareen dhismaha ciidamada booliiska Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in maamulka gobollka uu siweyn ugu dadaalay mudadii uu xilka hayay dib-u-dhiska cidamada guud ahaan, gaar ahaan booliiska oo mar walba dhaf-bar u ah ammniga.

''Is-gaarsiinta mar walba waa mid lagama maar-maan u ah ciidamada guud ahaa ciidamada, gaar ahaan booliiska oo ah mid mar bulshada ku dhax jira, waayo haddii uusan xiriir jirin wada shaqeynna ma jiri karto, Is-gaarsiinta waa mid sahli karta iska war-qabka iyo isku xirnaanta ciidamada iyo taliska, taasoo xoojin doonta sugida ammniga,'' ayuu yiiri guddoomiyaha maamulka gobolka.

Taliska ciidamada booliiska maamulka gobolka Hiiraan ayaa siweyn u soo dhaweeyay is-gaarsiinta loogu deeqay, iyaga oo sheegay in ciidamada saacad walba heegan u yihiin sidii ay u sugi lahaayeen ammniga bulshada ku dhaqan magaalada Beledweyne.

Maamulka gobolka Hiiraan oo kaashanaya saraakiisha ciidamada Jabuuti ee howlgalka AMISOM ayaa bilihii ugu danbeeyay xooggooda isugu geeyay sidii ay dib u dhis ugu sameyn lahaayeen qeybaha kala duwan ee ciidamada oo tababaro joogta ah ku qaatan xerada gaaska shanaad ee ciidamada Lama-gallaay.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya