4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 30, 2013
Ra’iisul wasaaraha Somalia oo la kulmay Guddoomiyaha Istanbul & Ardayda Soomaaliyeed ee Wax ka barata Turkiga (SAWIRRO)


Isniin, September 30, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa magaalada Istanbul ee Turkiga kulamo kula qaatay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalkaas, jaaliyadda iyo gudoomiyaha gobolka Istanbul, Huseyin Avni Mulu iyo weliba ganacsato u dhashay dalka Turkiga.

Mudane Saacid ayaa xalay kulan dheer la qaatay ardayda Soomaaliyeed ee waxbarshada u jooga Turkiga, wuxuuna kula dardaarmay ardaydan inay ka faa’iidaystaan fursadaha waxbarasho ee ay haystaan; isla markaana ay kuu hayaan maanta inay wax u baranayaan dalkooda iyo dadkooda. Isagoo sidoo kale ardayda uga warbixiyay xaaladda dalka iyo waxyaabihii uga qabsoomay socdaalka halkan uu ku joogo, waxaana uu ammaanay doorka Turkiga ee dib u dhiska Sooomaaliya.

“Waxaan u aqoonsanay 19-ka Ogoosto 2011 maalinta xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, ardayda waxaa laga doonayaa inay sanad dabaal-dag u sameeyaan maalintaas oo ku beegan markii ra’iisul wasaaraha Turkigu uu booqday dalka Soomaaliya xilli aad loogu baahnaa gurmadka caalamka, sidoo kale waxay miisaaniyad-kabid ku sameeyeen dakhliga dawladda Soomaaliya ee shaqada aan ku wadno,” ayuu yiri Saacid oo khudbad ka jeediyay kulanka ardayda uu la qaatay.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo marwadiisa Caasha Xaaji Cilmi waxay ka qaybgaleen casho sharaf ay si wadajir ah ugu sameeyeen magaalada Stanbul gudoomiya gobolka Stanbul, Huseyin Avni Mutlu iyo marwadiisa Mutlu.

Kulankan oo sidoo kale ay ka qaybgaleen wafdiga ra’iisul Wasaaraha ayaa looga hadlay xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii dawladda Turkigu u kordhin lahayd mashaariicda kala duwan ee Soomaaliya ay fulinayaan sida amniga, ganacsiga, waxbarshada iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Guddoomiyaha gobolka Istanbul ayaa dhankiisa ballan-qaaday in kaalin muuqata ay ka qaadan doonaan dib u dhiska caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo guud ahaan gobollada ee dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa kulamo la qaatay duqa Stanbul iyo qaar ka mid ah ganacsatada dalka Turkiga iyadoo laga dooday iskaashiyo kor loogu qaadayo ganacsiga iyo maal-galinta dalka Soomaaliya oo kasoo kabanaya burburkii ku dhacay 22-kii sano ee lasoo dhaafay.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya