4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 30, 2013
Barakacayaasha ku dhaqan Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose oo ka Cabanaya Dhibaatooyin Nololeed (SAWIRRO)


Isniin, September 30, 2013 (HOL) — Dadka barakacayaasha ah ee ku nool qaar kamid ah xerooyinka barakacyaasha ee magaalada Kismaayo ayaa ka cabanaya dhibaatooyinka xaga nolosha, iyadoo lagu gudo jiro  xilliga badxiranka oo ay aalaaba istaagaan inta badan dhaqdhaqaaqyada xaga ganacsiga ee gobollada Jubooyinka.

Qaar kamid ah dadka barakacayaasha oo u waramay shabakadda HOL xilli aan saaka booqasho ku tagnay qaar kamid ah xerooyinka barakacayaasha Kismaayo ayay inooga warbixiyeen dhibaatooyinka ay ka cabanayaan.

Siidii Deeroow oo kamid ah barakacyaasha ku nool Kaamka Beder ee magaalada Kismaayo ayaa HOL u sheegay in xerooyinka ay ku jiraan dadka barakacayaasha ay ka jiraan dhibaatooyin kala duwan oo xaga nolosha ah.

“Hore waxaan ka xamaalan jirnay dakadda, hadda baddii way xirantahay, xaaladeena waa sidaa u jeeddaan, dhibaatooyinka dhinacyo badan ayaa na heysta,” ayuu Siidii hadalkiisii raaciyay.

Xerooyinka aan booqannay ayaan kusoo aragnay xaalado aad u adag oo ay ku noolyihiin dadka barakacayaasha, waxayna indhahaagu qabanayaan guryo ka sameysan cooshado oo ay adagtahay in looga gabado cadceeda iyo dhibicda roobka.

Kaamamkan ayaa sidoo kale waxaa ka jirta xaalado nadaafad darro oo aad u daran, taasoo ay qeyb ka tahay in qaar kamid ah xerooyinkani aysan heysan suuli ama musqulo ku filan.

“Ilamaha hal waqti oo ciriiri ah ayaan wax siiinnaa, biyo la’aan, musqul la’aan, bicihii aan guryaha saaran jirnay oo naga dhamaaday, iyo dhibaatooyin badan ayaa na heysto, waxaan codsaneynaa in nala caawiyo,” ayayay tiri Siteey Muudeey oo iyaduna kamid ah dadka barakacayaasha ee ku nool Kismaayo.

Dadkan ayaa ka codsaday hay’adaha samafalka, jaaliyadaha Soomaalida iyo cid walba oo wax u awoodi karta in ay lasoo gaaraan kaalmo biniaadanimo oo deg deg ah.

Magaalada Kismaayo ayaa waxa ku yaal in ka badan 50 Kaam oo ay ku jiraan dad kasoo barakacay qeybo ka tirsan gobollada dalka Soomaaliya, waxaana dadkani heysata dhibaatooyin aad u daran oo dhinacyada nolosha ah.




Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya