4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 30, 2013
Qarax lagu weeraray Xerada Dhagaxley iyo ciidamada Ammaanka Kenya oo gacanta ku dhintay nin watay Kibaandhooyin

Isniin, September 30, 2013 (HOL) — Qarax ay ku dhaawacmeen shan qof ayaa xalay ka dhacay xerada qoxootiga Dhagaxley oo ka mid ah xeryaha ku yaalla deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya, iyadoo kooxihii weerarkaas ka dambeeyay ay ka baxsadeen.

Guddoomiyaha xeradan oo la hadlayay BBC-da ayaa sheegay in la weeraray dhismaha iskuul laga dhisayay bartamaah xeradaas ayna ku dhaawacmeen shan ka mid ah shaqaalihii dhismahaas waday.

Weerarkan oo ahaa mid loo adeegsaday bambooyinka gacanta laga tuuro ayaanay jirin cid sheegatay, waxaana weerarkan uu qayb ka noqonayaa weerarro dhowr ah oo lala beegsaday xeryaha qoxootiga Kenya.

Dalka Kenya ayaa wuxuu labadii sano ee lasoo dhaafay la ciir-ciirayay falal ammaan-darro oo ay ka geysanayaan kooxo hubeyasn oo gacan-saar la leh Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

Xerada Dhagaxleey ayaa waxay ka mid tahay saddexda xero ee ku yaalla deegaanka Dhadhaab, halkaasoo ay ku jiraan in ka badan nus-malyuun qof oo qoxooti Soomaaliyeed ah.

Sidoo kale, wararka laga helayo Kenya ayaa waxay in ciidamada amnigu ay ku qabteen xuduudda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya nin watay warqado aqoonsi oo Kenyan ah, kuwaasoo lagu sheegay tiradooda 36 xabo.

Ninkan ayay saraakiisha booliiska Kenya sheegeen inuu warqadahan oo ahaa Kibandhe uu u waday Al-shabaab, waxaana saraakiishu ay sheegeen inay ku hayaan baaritaanno xiriirka ka dhexeeya ninkan iyo Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Kenya ayaa waxay sheegtay inay qorsheyso sidii ay xadka ay la wadaagto Soomaaliya si looga gaashaanto weerarro cuusb oo Al-shabaab kaga yimaada, iyadoo la xusuusto in Al-shabaab ay ku goodisay inay Kenya ka geysan doonto weerarro kale.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya