3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 30, 2013
Baarlamaanka Kenya oo maanta su’aalo ka weydiinaya saraakiil ammaanka iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha dhacadadii Westgate


Isniin, September 30, 2013 (HOL) — Baarlamaanka dalka Kenya ayaa lagu wadaa inay maanta su’aalo ku saabsan weerarkii Westgate Mall weydiiyaan saraakiisha laamaha ammaanka, sida booliiska iyo nabadsguidda iyo sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha dalkaas, Joseph Ole Lenku.

Guddiga ammaanka iyo difaaca baarlamaanka Kenya ayaa sheegay inay wax ka weydiin doonaan saraakiisha iyo wasiirka sidii uu ku dhacay weerarkii ay Al-shabaab ku qaadday dhismaha ganacsiga Westgate Mall.

“Su’aalaha inta badan aan weydiin doonno mas’uuliyiintan waxaa ka mid ah sida uu weerarku ku dhacay iyo sababta keentay in laga hortegi waayo,” ayuu yiri xildhibaan Dhoore oo ka mid ah xubnaha guddiga amaanka iyo difaaca baarlamaanka Soomaaliya.

Weerarkii Westgate Mall aya waxaa sheegatay Al-shabaab kaasoo sababay inay dhintaan in ku dhow 70-qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro ku dhow 200 oo qof, kuwaasoo ahaa dadkii goobta ka adeeganayay xilligii uu dhacay weerarka iyo kuwo lagu qabsaday.

Hay’adaha ammaanka Kenya ayaa waxay dhowr jeer isku eedeeyeen inay mid walba dayacday ammaanka Kenya, taasna ay keentay inay Al-shabaab fursad u hesho inay weerarkan oo maalmo qaatay ku qaaddo dhismaha xarunta Westgate Mall.

Taliyaha  hay’adda nabadsugidda Kenya ayaa horay u sheegay in weerarka ay ka dileen hal sano ka hor, inkastoo taas uu beeniyay taliyaha booliiska dalka Kenya, waxaana tani ay qayb ka tahay is eedeynta hay’adaha kala duwan ee ammaanka Kenya.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Ole Lenku oo warbaahinta dhowr jeer kula hadlay magaalada Nairobi ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa mid si kaddis ah ku dhacay, isagoo xusay in weerarkan ay ka dhiganayaan tusaale ayna ka hortegi doonaan kuwo kale oo dhaca.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay inay adkeyn doonaan xuduudaha dalka Kenya ay la leeyihiin dalalka ay dariska yihiin, gaar ahaan Soomaaliya oo uu sheegay inay dhibaatada amni-darro ee ugu badan ay kaga timaaddo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
9/30/2013 11:06 AM EST
Isniin, September 30, 2013 (HOL) — Haya’daha xasaradaha dunida ee International Crises Group (ICG) ayaa maanta oo Isniin ah sheegtay in Al-shabaab ay billowday inay ciidammo u dagaalama, weerarrana ka geysata gudaha dalka Kenya ay ka qoranayso gudaha dalkaas.

9/30/2013 10:49 AM EST
Isniin, September 30, 2013 (HOL) — Kadib munaasabad lagu qabtay maanta saldhiga booliiska magaalada Beledweyne ee xarunta gobollka Hiiraan ayaa lagu wareejiyay taliska booliiska maamulka gobolka is-gaarsiin casri oo sida la sheegay qeyb ka noqon doonta agabka ay ku howlgalaan ciidamada.

9/30/2013 10:27 AM EST
Isniin, September 30, 2013 (HOL) — Xarunta Jaamacada SAVANNAH ee Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabtay xaflad lagu soo bandhigay heshiis ay jaamacaddu la gashay jaamacadda Jommo Kenyatta oo ku taalla dalka Kenya, taasoo ay kasoo qaybgaleen aqoonyahanno, arday, ururada bulshada rayidka, madaxda haamacadda iyo marti sharaf kale.

9/30/2013 9:03 AM EST
Isniin, September 30, 2013 (HOL) — Shabakadda Somalimemo oo si weyn u baahin jiray wararka Xarakada Al-shabaab, gaar ahaan dagaallada ay kula jirto dowladda iyo howgallada ay ka sameeyaan gobollada dalka qaarkood ayaa la xiray, iyadoo aan illaa hadda la ogeyn sababta loo xiray.

9/30/2013 8:15 AM EST
Isniin, September 30, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa magaalada Istanbul ee Turkiga kulamo kula qaatay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalkaas, jaaliyadda iyo gudoomiyaha gobolka Istanbul, Huseyin Avni Mulu iyo weliba ganacsato u dhashay dalka Turkiga.

9/30/2013 7:18 AM EST
Isniin, September 30, 2013 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan la dagaalami karin Al-shabaab haddii aysan caalamka ka helin hub iyo qalab ciidan oo ku filan.

9/30/2013 6:52 AM EST
Isniin, September 30, 2013 (HOL) — Dadka barakacayaasha ah ee ku nool qaar kamid ah xerooyinka barakacyaasha ee magaalada Kismaayo ayaa ka cabanaya dhibaatooyinka xaga nolosha, iyadoo lagu gudo jiro xilliga badxiranka oo ay aalaaba istaagaan inta badan dhaqdhaqaaqyada xaga ganacsiga ee gobollada Jubooyinka.

9/30/2013 2:58 AM EST
Isniin, September 30, 2013 (HOL) — Shirka maamul u sameynta gobollada ku yaalla Koonfurta iyo galbeedka Soomaaliya ayaa si dar-dar leh uga socda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, halkaasoo ay gaarayaan qaar ka mid ah ergooyinka gobollada maamulkan ku midoobaya.

9/30/2013 2:55 AM EST
Isniin, September 30, 2013 (HOL) — Qarax ay ku dhaawacmeen shan qof ayaa xalay ka dhacay xerada qoxootiga Dhagaxley oo ka mid ah xeryaha ku yaalla deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya, iyadoo kooxihii weerarkaas ka dambeeyay ay ka baxsadeen.