4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 3 , 2013
Wafdi uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Maamulka cusub ee Jubba Maanta oo gaaray Magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose

Talaado, September 03, 2013 (HOL) — Wafdi ballaaran oo uu horkacayay madaxweynaha Maamulka Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, iyadoona ay wehlinayeen mas'uuliyiin ka tirsan maamulka.

Imaatinka wafdiga madaxweynaha ayaa haaa mid aan horay loo sii shaacin, waxaana markii ay kasoo dageen garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo halkaasi kusoo dhaweeyay mas'uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Kismaayo iyo weliba saraakiil ciidan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa weli lama aysan hadlin saxaafadda, wax faahfaahin ahna kama bixin waxyaalaha usoo qabsoomay mudadii ay ka maqnaayeen gobolka.

Wafdigan uu horkacayo Sheekh Axmed Madoobe ayaa dhawaan magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya heshiis ka kooban qodobo badan waxa ay kula soo saxiixdeen dowladda federaalka Soomaaliya. Wefdigan ayaa kasoo duulay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya