Dowladda Somalia oo beenisay in Weerar lagu Qaaday Gaadiid uu la socday Madaxweynaha Somalia oo ku socday Marko

Talaado, September 03, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay in la weeraray gaadiid uu la socday madaxweynaha Soomaaliya oo degmada Marko ee gobolka Shabeellada Hoose ku socday, kaddib markii Al-shabaab ay sheegtay inay weerartay gaadiidkii uu madaxweynuhu la socday.

Afhayeenka howlgallada Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu-Muscab, ayaa war uu siiyay wakaaladda wararka AFP ku sheegay in A-shabaab ay weerar ku qaadday gaadiid uu la socday madaxweynaha Soomaaliya oo marayay deegaan lagu magacaabo Buufoow oo ku dhow degmada Marko.

“Weerar ayaan ku qaadnay gaadiid uu la socday madaxweyanaha Soomaaliya, waxaana ku dilnay ciidammo isugu jira kuwa dowladda iyo AMISOM, sidoo kale waxaan dhaawacyo u geysannay xubnihii la socday,” ayuu afhayeenka howlgallada ee Al-shabaab u sheegay AFP.

Sheekh Abuu-Muscab oo sii hadlaya ayaa sheegay in laba gaari oo ka mid ahaa gaadiidka uu la socday madaxweynaha inay ku burburiyeen baasuukayaal ay la heleen, isagoo intaa ku daray in dagaal ka dhashay weerarka ay qaadeen uu weli socdo.

Dhinaca kale, Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya, Inj. Cabdiraxmaan Yariisoow oo ka mid ahaa wafdiga madaxweynaha ee Marko gaaray oo u warramayay qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida, ayaa sheegay in warkaasi uu yahay mid been abuur ah oo aysan waxba ka jirin.

“Ma jiro weerar gaadiidkii uu la socday madaxweynahu lagu qaaday, madaxweynaha iyo wafdigii la socday si nabadgalyo ah ayay ku gaareen degmada Marko,” ayuu yiri Inj. Yariisow.

Sidoo kale, afhayeenka madaxweynaha ayaa sheegay in gaari ay la socdeen saraakiil ciidan oo ku socday Marko uu ku rogmaday magaalada Muqdisho uuna ku dhintay hal askari, dhowr kalena ay ku dhaawacmeen.

Wafdiga madaxweynaha oo isugu jirey: wasiirro, xildhiabanno iyo saraakiil ciidan, ayaa ku sugan Marko, iyagoo halkaas kula leh kulammo maamulka gobolka, kan degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Safarka madaxweynaha Soomaaliya oo ahaa mid dhulka uu ku maray,  wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee uu ku tago meel ka baxsan magaalada Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya






Cumar Hammami oo loo yaqaan Abuu Mansuur Al-ameeriki ayaa shaaca ka qaaday in uu gabi ahaanba isaga baxay uruweynaha Al-qaacida iyo Al-shabaab oo uu hore uga tirsanaa.

Talaado, September 03, 2013 (HOL) — Maayarka Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, ayaa bilaabay samaynta wadadda Boqol iyo kontonka loo yaqaan ee waqooyiga magaaladda Hargeysa, kaas oo isticmaali doonaan gaadiidka xamuulka ka soo qaadda Dekadda Berbera ee ku socda Itoobiya.

Talaado, September 03, 2013 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Jen. C/samad Cali Shire ayaa maanta dhagax dhigay dugsi sare oo laga hirgelinayo degmada Taleex ee gobolka Sool.

Talaado, September 03, 2013 (HOL) — Kulan doorasho ah oo maanta lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa ganacsade C/rashiid Shire Il-qayte loogu doortay guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed ee gobolka Banaadir, kaddib markii uu ka adkaaday haweenkay xilkaas kula tartamaysay.

Talaado, September 03, 2013 (HOL) — Wafdi ballaaran oo uu horkacayay madaxweynaha Maamulka Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, iyadoona ay wehlinayeen mas'uuliyiin ka tirsan maamulka.

Talaado, September 03, 2013 (HOL) — Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta Soomaaliya, Abuukar Sheekh Cabdi Ibraahim ayaa maanta Muqdisho ka furay shirkii wada-tashiga barnaamijka Higsiga Cusub “ New Deal” oo socon doona saddex maalmood. Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb-galay mas’uuliyiin ka kala socda laamaha dowladda, xildhibaanno iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Talaado, September 03, 2013 (HOL) — Inta la ogyahay laba qof ayaa ku dhintay tiro ka badan toban qof oo kalena way ku dhaawacmeen dab ka kacay goob shidaalka lagu kaydiyo oo ku taalla agagaarka dhismaha Say-biyaano ee degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Talaado, September 03, 2013 (HOL) - Ururka Alshabaab ee dagaalka kula jira dawlada Soomaaliya ayaa shaaciyay in weerar ay ku qaadeen gawaari kolonyo ah oo galbinaysay madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo maanta safar dhulka ah ku aaday magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose.

Talaado, September 03, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka safar dhulka ah ku gaaray magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo tani ay noqonayso booqashadii ugu horreysay oo dhinaca dhulka ah oo madaxweynuhu uu ku tago deegaanno ka mid ah Soomaaliya.

Isniin, September 02, 2013 (HOL) — Xarunta dalka Itoobiya ee Addis Ababa waxaa xalay kulan ku yeeshay madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya Tedros Adhanom. Kulanka ayaa ka dhacay Hotel Sheraton.

Somali News

9/3/2013 7:00 AM EST
Minneapolis Public Schools will honor school board member Hussein Samatar, a civil-war refugee who went on to plant some of the first seeds of Somali-American politics, at a memorial service Tuesday. The 45-year-old died last week of complications from leukemia.

9/3/2013 6:40 AM EST
A young man shot dead in Toronto over the holiday weekend is being remembered as a "good kid" by the people that knew him during his short life.

9/3/2013 6:35 AM EST
Somalia's Al-Qaeda linked Shebab insurgents ambushed President Hassan Sheikh Mohamud Tuesday, the militants said, claiming to have destroyed vehicles with rocket-propelled grenades.

9/3/2013 6:33 AM EST
The short talks by artists and intellectuals at events known as TEDx have been held 7,500 times in more than 150 countries, but there may not be an event more challenging or dangerous as the TEDx talk that was held in Mogadishu last Saturday.

9/3/2013 6:26 AM EST
A community organisation in North Eastern Province is seeking to have miraa classified as a narcotic.

9/3/2013 6:13 AM EST
Somalia really isn’t at peace. Bandits and clan militiamen are still all over the place and these guys tend to consider themselves a law unto themselves. The only real peace is in those areas controlled by AU peacekeepers (including Ethiopian and Kenyan troops.) There is a growing “Green Zone” around the Mogadishu airport, where most foreign aid groups have set up bases.

9/3/2013 6:11 AM EST
Somali clan leaders say that an Aug. 27 agreement between the government and only a few leaders from the country's three southern Jubba regions, which aims to resolve the ongoing dispute over who controls the area, creates more problems than it solves.

9/3/2013 5:56 AM EST
Somali government forces backed by Ethiopian troops clashed with al-Shabaab fighters in the Koronbod area of Bay region Saturday (August 31st), leaving at least seven dead and scores wounded, UN-funded Radio Bar-Kulan reported.

9/3/2013 5:55 AM EST
Somalia says its relations with China is growing following a week-long official visit by the country's foreign Minister Fawzia Yusuf as she returned to the capital Mogadishu on Friday.

9/3/2013 5:45 AM EST
Already reeling like a boxer on the ropes, Somalia’s so-called recovery is about to be derailed by a brutal one-two punch as Médecins Sans Frontières withdraws its medical services and Barclays cuts off the main remittance pipeline. It’s a devastating double blow for a country that still needs all the help it can get. By SIMON ALLISON.
Click here