4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 3 , 2013
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Maanta ka badbaaday isku day la doonayay in lagu Khaarijiyo

Talaado, September 03, 2013 (HOL) - Ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya ayaa shaaciyay in weerar ay ku qaadeen gawaari kolonyo ah oo galbinaysay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar dhulka ah ku aaday magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose.

Wakaalada wararka ee Faransiiska AFP ayaa tabisay in afhayeenka Al-shabaab uu sheegay in weerar madaafiic loo adeegsaday lagu qaaday wafdiga madaxweynaha oo ku sii jeeday Marka uuna dagaalku wali socdo.

“Waxaan weerarnay gawaari galbinaysay madaxweynaha is magacaabay ee Soomaaliya" ayuu yiri Afhayeenka Al-shabaab Cabdulcasiis Abu Muscab.

Alshabaab ayaa sheegtay in weerarkani uu ka dhacay deegaanka Buufow oo 60-mayl (100-km) u jirta magaalada Muqdisho.

"Waan la soconay dhaq-dhaqaaqyadiisa, dagaalkuna wali waa socdaa" ayuu sii raaciyay Abuu Muscab.

Ma jirto wax war ah oo ilaa iyo hadda dowladda Soomaaliya ay kasoo saartay wararka sheegaya in weerar lala beegsaday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la filayay inuu ka qaybgalo shir loo qabanayo beelo ku heshiiyay magaalada Marka.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya