4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 3 , 2013
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Safar dhulka ah ku tagay Degmada Marko ee Gobolka Shabeellada Hoose

Talaado, September 03, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka safar dhulka ah ku gaaray magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo tani ay noqonayso booqashadii ugu horreysay oo dhinaca dhulka ah oo madaxweynuhu uu ku tago deegaanno ka mid ah Soomaaliya.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa galbinayay ciidammo isugu jira kuwa Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, iyadoo aad loo adkeeyay ammaanka jidka isku xira degmada Marko iyo Muqdisho.

Degmada Marko ayaa waxaa saakay lagu arkayaa ciidammo fara badan oo ku sugan goob walba, iyadoo booqashadan ay tahay mid uusan horay uga hadlin madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxay mareen jidka isku xira Muqdisho iyo Marko oo dhinaca koonfureed caasimadda kaga beegan 90-km, iyadoo wararku ay sheegayaan in madaxweynuhu uu kaga qaybgeli doono Marko munaasabad loo sameynayo beelo heshiis gaaray.

Degmada Marko ayaa waxaa horay ugu sugnaa wafdi ka socda wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka dowladda Somalia, waxaana lagu wadaa inta madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisu ay ku sugan yihiin degmadaas ay u kuur-galaan xaaladda degmadaas ka jirta.

Wixii warar ah ee kasoo kordha waxaad kula socon doontaa wararkaanna soo socda haddii Alle idmo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya