4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 29, 2013
744 Arday oo ka qalin-jabiyay Jaamacadda Hargeysa iyo Mucaaradka oo ka hadlay in loo diiday inay ka hadlaan Xafladda (SAWIRRO)


Axad, September 29, 2013 (HOL) —Madaxweynaha Somaliland, Axmed Max'ed Max'uud Siillaanyo ayaa ka qaybgalay qalinjabinta dufcaddii tobnaad ee jaamacadda Hargeysa, kuwaasoo dhamaa 744 arday oo ka qalinjabiyey in ka badan toban kuuliyadood.

Ardaydan ka qalinjabiyey jaamacadda Hargeysa oo ah tii ugu badnayd ee ka soo baxda jaamacadda Hargeysa, ayaa munaasibad balaadhan loogu sameeyey xarunta jaamacadoodda, waxaana ka soo qaybgalay waalidiintii ardayda, madaxweynaha, xildhibaano,  iyo boqolaal dadweyne oo iskugu jira dadweyne iyo marti sharaf lagu soo casuumay.

Gudoomiyaha jaamacadda Hargeysa Dr:Cabdi Xuseen Gaas ayaa ka sheekeeyey horumarinta jaamacada iyo sida ay ugu hawlan yihiin sidii ay usoo bixi lahaayeen Arday tayo leh, waxaanu tilmaamay in arday badan oo waxbarasho bilaash ah ka helay Itoobiya  iyo Turkiga ay noqdeen ardayda jaamacadda Hargeysa.

“Jaamacadda Hargeysa waxay noqotay jaamacadda ugu balaadhan ee Somaliland ka jirta, waxaana ka shaqaynayney inay la tartanto jamacadaha aduunka, taasina waa ta keentay in arday ka baxday jaamacadda Hargeysa inay waxbarasho bilaash ah oo tartan loo galayey jaamacaddaha itoobiya ay noqdeen kuwii ugu sareeyey, waxa kale oo jirta arday Muqdisho ka gashay imtixaanka waxbarashada Turkiga kuwaas oo kaalmaha ugu sareeya ka galay”ayuu yidhi gudoomiyaha jaamacadda Hargeysa Gaas oo sharaxayey aqoonta iyo tayadda ka jirta jaamadda Hargeysa.

Waxaa kaloo uu sheegay inay jaamaddaha Camuud, Jaamacadda Burco, jaamacadda Nugaal iyo Golis ay xidhiidh wada leeyihiin, isla markaana ka wada shaqeeyaan horumarinta jaamacadahooga.

Wasiirka waxbarashadda Samsam Cabdi Aadan, wasiirka Qorsheynta oo ah gudoomiyaha guddida jamaacadda Hargeysa Dr:Sacad Cali Shire ayaa iyaguna ka warbixiyey heerka ay marayso jaamacadda iyo horumarinta ka jirta.

Madaxweyne Axmed Siillaanyo oo ka hadlay munaasibadda, ayaa ardayda ugu hambalyeeyey guusha ay ka gaadheen waxbarashadooda, isagoo ilaahay u rajeeyey inay mustaqbal fiican helaan, isla markaana waxa uu balanqaaday inuu ardaydaasi soo baxday inuu la dadaali doono, waxaanu shahaado sharaf gudoonsiiyey ardaydii ugu sareeyey jaamacadda.

Dhinca kale, xisbiyadda mucaaradka oo lagu soo casuumay jaamacada ayaan la siin fursad ay ku hadlaan, taas oo ka cadhaysiiyey xisbiyada mcuaaradka, waxaanay madaxweynaha ku dhaliileen qaabka uu xisbiyada mucaaradka ula dhaqmayo iyo sida uu ugu diiday inay ka hadlaan, maadaama oo waligood jaamacadda marka ay qalinjabinayaan ay ka hadli jiraan.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo usoo diyaar garoobay inuu xalfada ka hadlo ayaa loo diiday, taasina waxay keentay inuu xafladda oo socoto iskaga soo baxo, isagoo aad uga cadhaysan sida aan loogu ogolaan inuu khudbad ka jeediyo jaamacadda, taasina waxay keentay inay ardayda is waydiiyaan sababta loogu ogolaan waayo inuu hadlo.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa madaxweynaha si weyn ugu canaantay is hortaaga  ay ku sameeyeen iyo baratokoolkii ahayd in lagu qaabilo oo aan la siin kaas oo uu kaga cawday inay gacan weyn ku leeyihiin xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.

Si kastaba ha ahaatee, xisbiyadda mucaaradka oo ka faa’iidaysan jiray xafladahan sidan oo kale, isla markaana madaxweynaha hortooda ku dhaliili jiray ayaa gabi ahaanba loo ogolaan munaasibadihii jaamacadaha Hargeysa iyo Camuud oo jaanis u ahaan jirtay xisbiyada mucaaradka ah inay dhaliisha madaxweynaha ku soo bandhigaan, kuwaas oo ku eedeeyey madaxweynaha inuu cabudhiyey jaamacadihii ahayd in madax banaanaadaan.




Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland