4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 29, 2013
Hay’adda Samafalka WORLD VISION oo Maanta Xafiiskeedii dib uga furatay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay

Axad, September 29, 2013 (HOL) — Hay’adda World Vision oo ka mid ahayd hay’adihii ay Al-shabaab horay uga eriday gobollada Koonfurta Soomaaliya ayaa waxay maanta dib uga furatay xafiiskeedii magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, halkaasoo ay labadii sano ee ugu dambeysay ka talinaysay dowladda Soomaaliya.

World Vision ayaa wuxuu xafiiskeeda Baydhabo xirnaa muddo saddex sano ah oo ay halkaas ka talinaysay Al-shabaab, iyadoo hay’addan lagu wado inay dib u billowdo howlihii samafal ee ay ka bixin jirtay gobollada Koonfureed ee dalka Soomaaliya.

Inta badan hay’addan waxay wax ka qabataa waxbarashada, caafimaadka iyo Beeraha iyadoo horay uga howlgeli jirtay gobollada Bay, Bakool iyo sidoo kale gobolka Jubbada dhexe.

Xafiiska hay’adda ayaa waxaa ku sugnaa dad badan oo la sheegay inay ka cabanayeen habka ay hay’addu u qaadanayso shaqaalaha iyo sidoo kale hab la sheegay inay ku qoratay ilaaladeeda gaarka ah.

Guddoomiyaha gobolka Bay, Cabdi Aadan Hoosoow ayaa horay u sameeyay xafiis la socda hay’adaha samafalka, xafiiskaas oo shaqadiisu ay tahay inuu u kireeyo guryaha hay’adaha samaflka ah uuna u qoro shaqaalaha iyo sidoo kale ilaalada, arrintaas oo ay kasoo horjeesteen habka loo xulay ilaalada xafiiska hay’adda World Vision.

Xallinta arrintan ayaa waxaa la wareegay nabaddoonnada Digil iyo Mirifle si ay u xaliyaan Khilaafkaas. Maamulka gobalka Bay ayaa horay uu xilligiisii u dhammaaday, inkastoo aanay jirin wax maamul ah oo weli loo sameeyay gobolka Bay.

Hiiraan Online, Baydhabo