4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 29, 2013
Warbixin ku Saabsan Kulankii Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo Danjire Nicholas Kay ku dhexmaray Magaalada Minneapolis (SAWIRRO)


Axad, Sunday, September 29, 2013 (HOL) - Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa shalay kullan ballaaran la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Shirkan oo ka dhacay Radiso Hotel wuxuu danjire Kay ka soo jeediyay khudbad dheer oo uga hadlay dhinacyadda ammaanka, siyaasadda,  xaafiiska UNSOM, safarkiisa Minneapolis iyo aragtidiisa ku aaddan dowladdanimada Soomaaliya wuxuuna sheegay in xilligan uu yahay mid ka duwan xilliyadii la soo dhaafay.

“Waxaa tihiin Jaaliyad muhiim ah, waxaana go’saday inaan idiin imaado, si aan uga wada sheekeysanno dib u dhiska dalka iyo dib u heshiisiinta, sababtoo ah 4 arrimood ayaad muhiim ku tihiin kuwaas oo kala ah, Ku lug lahaanshaha siyaasadda Soomaaliya, Dhaqaalaha xoogga leh ee aad dirtaan, gaar ahaan xilliyada abaaraha iyo musiibooyinka, Awoodda aad ku dhex leedihiin dowladda mareykanka iyo maadaama aad tihiin qurbo joog waalidiin ah oo jiil cusub mustaqbalkooda dhisaya” ayuu yiri Kay oo intaas sii raaciyay

 “Dhibaatada Soomaaliya xallinteedu waxay u taal dadka Soomaaliyeed, inagu waxaan idku caawineynaa wixii aad nooga baahataan, waa inaad masuuliyad iska saartaan dalkiinna”

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay heysato fursad, isla markaana caalamku u soo jeedo, madaama ay tahay dowlad la aqoonsanyahay, sharci ah,  la aamini karo islama markaana aan KMG aheyn.

Kay wuxuu sheegay inuu ka wal-walsanyahay xaaladda ammaanka ee magaaladda Muqdisho, isagoo sheegay inay ka soo dareysay asbuucyadii la soo dhaafay.

“Weeraradii Safaaradda Turkey iyo xarunta UNka ee Muqdisho iyo musiibadii ka dhacday Westgate Nairobi waxay noo muujinayaan in khatartii Alshabaab aysan weli dhammaan, laakiin waxaan ku rajo weynahay in haddii la tayeeyo ciidanka Soomaaliya iyo howlgalka AMISON in laga adkaan karo Alshabaab” ayuu sii raaciyay.

Danjiraha ayaa sidoo kale sheegay in Xoog, siyaasad iyo farsamo intaba lagula dagaalami karo Alshabaab.

Mar uu ka hadlayay horumarka siyaasadeed ee dowladda wuxuu sheegay in heshiiskii Addisa Ababa ee dowladda iyo maamulka Jubba uu ahaa mid dhaxal gal ah, shirkii Vision 2016, safarada gudaha iyo dibada ee madaxda dowladda iyo kal-fadhiyadii Baarlamaanka ay ahaayeen horumar dhinaca siyaasadda ah.

SAWIRO KALE HALKAAN HOOSE KA DAAWO

“Waa dhammaaday xilligii qabiilka, 4.5 iyo hoggaamiye kooxeedyada, dalkuna wuxuu cagta saaray dariiqii dowladnimada, sida madaxweynuhu sheegay waxaa sanadka 2016 loo dareeri doonaa doorashiin guud” ayuu sii raaciyay Kay.

Ka soo qeyb galeyaashii kalankii shalay iyaa iyaguna talooyin muhiim ah u soo gudbiyay Danjire Kay, waxaana ka mid ahaa  Sheekh Cabdisalaan Shariif oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota, Cusmaaciil Geeldoon oo muddo badan la soo shaqeyay Qaramada Midoobay, Haboon Cabdulle oo u ololeysa arrimaha Haweenka, Faadumo Jabriil oo u dagaallanta Xawaaladaha Soomaaliyeed, musharraxa deegaanka 6-aad ee Minneapolis Cabdi Warsame, Liibaan Badal iyo Xamze Warfaa oo ka mid ah soo qaban-qaabiyaashii kulankaas.

Faarax Blue, Hiiraan Online
Minneapolis, Minnesota
[email protected]