4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 29, 2013
Guddoomiyaha Jaamacada Ganaane: “Waxaan Jaamacadda gaarsiinaynaa Deegaanada uu maro Webiga Ganaane” (WAREYSI)


Axad, September 29, 2013 (HOL) —Khamiista lasoo dhaafay waxaa laga furay magaalada Baydhabo ee gobolka bay jaamacaddii afaraad oo loogu magic-daray Jaamacadda Ganaane, iyadoo noqonaysa tii labaad oo inta lagu jiro sannadkan laga furo degmadaas. Haddaba waxaa inoo suurogashay in aan wareysi la yeelanno Gudoomiyaha jaamacaddan, Dr. Sheekh Aadan Sh. Saciid, wargeysigiinna wuxuu u dhacay sidan:

Su’aal: Ma inoo sheegi kartaa waxa idiinku dhaliyay inaad Jaamacaddan ka furtaan magaalada Baydhabo oo ay horay jaamacado ugu yaalleen?.

Jawaab: Haa markaan aragnay baahida waxbarasho ee ka taagan gobolka Bay iyo gobollada dariska la ah ayaan go’aansannay inaan furno jaamacadda Ganaane, maadaama aan nahay aqoonyahanno wax soo bartay ayaa go’aan ku gaarnay inaan aqoonteenna u faa’iideynno bulshadeenna, waana Mahad Alla hadiiba aan garowsannay inaan kula soo laabanno aqoonteenna dadkii aan aan kasoo jeednay.

Su’aal: Jaamacadda Ganaane imisa maaddo ayaa idin qorsheysan inaad ku bixisaan?. imisa macallin ayaase ka hawlgalaya?.

Jawaab: intaan u gudbin jawaabta waxaa iga xasuus ah in jaamacadaan la furnay 26/09/2013, waxaa noo qorsheysnayd inaan kal hore furno laakinnse waxay inoo suurogashay inaan hadda furno, waxaana noo qorsheysan inaan ku billowno laba kulliyadood oo kala ah: adabka iyo cilmiga bulshada oo ah kulliyadda koowaad iyo midda labaad oo ah ganacsiga, dhaqaalaha iyo maamulka, balse mustaqbalka dhow waxaa inoo qorsheysan inaan kusoo darno kuuliyadaha waxbarsahada, beeraha, cilmiga sayniska IT, kalkaaliye Nursing iyo sheybaar Laboratory, daawada, & qaliinka (MBPS), caafimaadka bulshada, xiriirka caalamiga ah iyo kuwo kale. Waxaana ka hawlgala hadda jaamacadda 14 macallin oo aqoontoodu heer jaamacadeed tahay . 

Su’aal: Ardeyda qaab sidee ah oo aad ku xulanaysaan? waana sidee xiriirka idiin kala dhexeeya dugsiyada sare ee ka jira magaalada Baydhabo iyo guud ahaan gobolka?

Jawaab: Marka hore waxaan kuu caddeynayaa in xiriir wanaagasan aan la leennahay dugsiyada sare ee ka jira Baydhabo, midda kale ardayda waxaan ku xulanaynaa ardayga marku kasoo baxo dugsiga sare mudaddii uu kasoo baxayna ay dhow-dahay yimid waxaan marsiinaynaa imtixaan si toos ah si markaas uu u billaabo waxbarashada, balse ardayga haddii uu waqti hore ka baxay dugsiga sare waxaan kasoo dhisaynaa hoos, markaas kaddib ayuuna ku biirayaa jaamacadda.

Su’aal: Ka waran xariirka aad la leedihiin jamacadaha Soomaaliya ka jira iyo kuwa calaamka?.

Jawaab: Xiriir wanaagsan ayaa nagala dhexeeya jaamacadaha Soomaaliya ku yaalla oo dhan, gaar ahaan kuwa ku yaalla gobolka Bay ee horeay looga furay, sidoo kalena waxaa jira xiriir wanaagsan oo aan la leennahay qaar ka mid ah jaamacadaha dibadda, gaar ahaan kuwa Afrika.

Su’aal: Waa maxay qorshaha mustaqablka fog ee Jaamacadda Ganaane?

Jawaab: Qorshaha fog wuxuu noqon karaa mid iska dhow waxaan rabnaa inaan faracyo ku yeelano deegaanada dariska nala ah sida Bakool, Gedo, Jubbada dhexe, Jubbada hoose, Shabeellooyinka iyo Hiiraan, iyo weliba gabi ahaan deegaannada uu maro webiga Ganaane. Dalka oo dhanna waan gaari doonnaa sida aan rajeynayno.

W/W: Ismaaciil Xasan Ibraahim (Farxaan)
Baydhabo, Soomaaliya