4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 29, 2013
Ciidamada Amniga Puntland iyo Al-shabaab oo ku Dagaallamay Deegaanno hoos-taga Tuulada Gal-Gala ee Gobolka Bari
Axad, Sebtember 29, 2013 (HOL) — Dagaal muddo kooban socdey oo dhex maray ciidamada ammaanka Puntland iyo Al-shabaab, ayaa xalay ka dhacay deegaanno hoos taga tuulada Gal-Gala oo koonfur-galbeed magaalada Boosaaso kaga beegan.

Taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland ee fadhigoodu yahay deegaanka Sugurre Kol. Jaamac Siciid Warsame (Af-guduud) ayaa ka warbixiyey dagaalkan; khasaaraha uu geystey iyo weliba qaabka uu ku bilowday.


Kol. Af-guduud ayaa sheegay in ciidamadu ay sameeyeen howlgal ballaaran oo ay ku qaadeen deegaannada: Cadale iyo Habaar-hawle, kaddib markii ay ka war heleen, in xoogag Al-shabaab ka tirsani ay deegaannadaas ku sugan yihiin.

"xalay 10:00 waxaa ciidamada aagga Sugurre ee jiidda hore ee difaacu ay sameeyeen howgallo lagu soo xaqiijinayo, ammaanka goobo lagu sheegay Al-shabaab...waa lagu soo guuleytey...waana laga cayriyey..."

Intii ay ciidamadu howlgalka wadeen, ayuu taliyuhu sheegay in iska-hor-imaad uu dhex maray iyaga iyo kooxo ka tirsan Al-shabaab, isagoo sidoo kale sheegay in ay ka itaal roonaadeen, islamarkaana ay khasaare gaarsiiyeen.

Mar wax laga weydiiyey khasaaraha dagaalka ka dhashay, wuxuu sheegay in dhankooda uusan wax khasaare ahi gaarin, haseyeeshee dhinaca Al-shabaab ay labo askari ka dhaawaceen mid kalena ay ka dileen.

Isagoo taas ka hadlaya wuxuu yiri: "waxan hubinnay in ay ka dhaawacmeen saddex qof...walow hadda naloo sheegayo in mid kamid ahi uu dhintay...xagayaga wax nasoo gaarey ma jiraan...ciidanku isagoo nabad qaba ayuu joogaa"

Buuraleyda Gal-gala oo fariisin u ah xoogag ka tirsan Al-shabaab, waxaa labadii sano ee ugu dambeeyey ka dhacay, dagaallo -ay qaarkood khasaare badan geysteen- oo dhex maray ciidamada Puntland iyo Al-shabaab.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland