4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 29, 2013
Xubno ka socda Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya iyo Xildhibaanno gaaray Maanta Magaalada Beledweyne (SAWIRRO)


Axad, September 29, 2013 (HOL) — Xubno ka socda wasaarrada arrimaha gudaha iyo ammiga Qaranka iyo xildhibaanno ka tirsan barlamaanka Soomaaliya oo uu horkacayo agaasimaha guud wasaarrada arrimaha gudaha Cali Abtidoon Xallane ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaa oo ay ku soo dhaweeyeen mas'uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo.

Agaasimaha oo warbixin kooban ku siiyay warbaahinta gudaha garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ayaa faah faahin ka bixiyay ujeedada socdaakooda, isaga oo sheegay in mudada ay joogaan kulamo kala duwan la qaadan doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada si looga arinsado qabashada shirweyne sida uu hadalka u dhigay dadka reer Hiiraan ku sameysanayaan maamulkooda.

''Annaga ujeedada socdaalkeena Beledweyne waa mid ku saleysan sidii aan ugu gogol xaari laheyn shirweyne dadka reer Hiiraan uga tashanayaan dhismaha maamulkooda, waayo maamul wixii hadda ka danbeeya gobolka loo soo magacaabayo ma jiro, bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan, gaar ahaan magaalada Beledweyne iyaga ayaa laga doonayaa in ay maamulkooda sameystaan, annaga waxaan u socnaa oo kaliya in aan ku gacan siino arintaa iyada ah,'' ayuu yiri agaasimaha wasaarrada arrimaha gudaha.

Cali Abtidoon, ayaa intaa ku darray in ay tixraacayaan baaqii madaxweyne Xassan Sheekh Max'uud ee ahaa in reer Hiiraan maamulkooda ay sameystaan, waan tan keentay ayuu yiri agaasimaha socdaalkeena maanta ee magaalada Beledweyne.

''Reer Hiiraan ma jiro maamul loo soo magacaabayo, ma jiro maamul kale oo gaar ah oo u imanaya, annagana uma socno in aan maamul u sameyneyno, iyada oo la tixraacayo baaqii madaxweynaha ee ahaa in reer Hiiraan maamulkooda sameystaan ayaan rabnaa in odayaasha dhaqanka, aqoonyahannka, culima'udiinka iyo qeybaha bulshada gobolka inta ay meel wada fariistaan ka wada hadllaan sidii ay maamulkooda u sameysan lahaayeen,'' ayuu yiri agaasimaha.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda xubnaha wafdiga maanta gaaray magaalada Beledweyne ku soo biiraan xildhibaanno kale oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya kuwaa oo qeyb ka noqon doona wada tashiyada la xiriira dhismaha maamulka gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max'uud oo dhawaan booqday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa kulamo kala duwan oo uu la yeeshay odayaasha dhaqanka gobolka waxaa ay ka wada hadlleen dhismaha maamul uu yeesho gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya