4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 29, 2013
MADAXWEYNAHA SOMALIA: “Cadowgu Wuu nagu soo Maqan yahay ee aan iska ilaalino oo aan Muujinno Feejignaan Dheeri ah”


Axad, September 29, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo saakay dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa sheegay in kooxda Al-shabaab ay doonayaan inay dhibaatooyin ka geystaan Muqdisho isagoo ku baaqay in la iska ilaaliyo, isagoo sidoo kale wuxuu ka hadlay safarro uu dalal kala duwan kusoo maray.

Xasan Shiikh oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradha Muqdisho ayaa sheegay in Al-shabaab aysan marna ka joogsanayn inay dhibaatooyin ka sii  wadaan dalka, isagoo shacabka ku boorriyay inay ciidamada ammaanka kala shaqeeyaan sugidda ammaanka dalka.

“Cadowgu waa nagu soo maqan yahay ee waana inaan iska ilaalinno oo aan muujinno feejignaan dheeraad ah,” ayuu madaxweynuhu ku yiri shirkiisa jaraa’id, isagoo intaas raaciyay in weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga Westgate Mall iyo kuwii ay Al-shabaab horay ugu qaaday dhismaha maxkamadaha iyo baarkii Village ay yihiin kuwo isku mid ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay booqashooyin qaatay muddo laba toddobaad ah, isagoo sheegay in dunidu ay muujisay sida ay diyaarka ugu tagay in Soomaaliya dib loo dhiso.

“Caalamku waxay muujisay inuu jecel yahay in Somalia ay dowlad noqoto, taasna waxaa daliil u ah dhaqaalihii lagu yaboohay dib u dhiska Soomaaliya, mana ahan taas deeq la siiyay Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan dib u dhiska dalkooda, maadaama dunida ay doonayso inay caawiso, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay iska dhaafaan kala shakiga, is-xamashada iyo fara isku fiiq-fiiqa.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in inkastoo uu khalad dhici karo lana kala shakin karo, balse ay tahay inay Soomaalida dhexdooda ka heshiiso, isagoo ku tilmaamay in caalamka loo kala dacwoodo inay sababayso in dunidu ay u u aragto Soomaaliya meel rabsho badan oo dadkeenu aysan waxba qabsan karin.

“Waxaan booqannay Belgium, Taliyaaniga iyo Mareykanka oo aan ka tagnay dhowr gobol, waxaana dadkii aan la kulannay u gudbinnay qaabka aan doonayno inay Soomaaliya u ekaato marka la gaaro 2016-ka,” ayuu mar kale ku yiri madaxweynuhu shirkiisa jaraa’id.

Ugu dambeyn, wuxuu tacsi u diray shacabka iyo xukuumadda Kenya, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay noqdaan kuwo isku duuban oo ka hortegi kara dhibaatooyinka ay kooxaha nabadda-diiddan la damacsan yihiin dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya