4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 29, 2013
Ciidamada Amniga Dowladda Somalia oo Muqdisho ka Sameeyay Howlgallo ay kusoo qabteen dad iyo hub kala duwan

Axad, September 29, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliy ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen Muqdisho waxay kusoo qabqabteen toddoba qof oo ay ku jirto haweenay iyo mas’uul ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, kuwaasoo la sheegay in guryahooda laga helay waxyaabaha qarxa oo ay ku jiraan hoobiyeyaal iyo miinooyin.

Howlgalkan oo laga sameeyay degmooyinka C/casiis, Howlwadaag iyo Hodan aya wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo dhawaan ay dowladdu sheegtay inay ka shaqeynayso sugidda ammaanka guud ee caasimadda Soomaaliya.

Saraakiisha hay’adaha ammaanka ayaa sheegay in hubka lagu soo qabtay  howlgalladan ay ka mid yihiin qoryaha fudud, hoobiyey iyo miinooyin, iyadoo sidoo kale ay saraakiishu sheegeen in howgalka lagu soo qabtay daroogo.

Dadka lasoo qabqabtay ayay sheegeen saraakiishu inuu ku jiray guddoomiye waaxeed ka tirsan degmada C/casiis ee gobolka Banaadir, kaasoo la sheegay in gurigiisa laga helay hub lana sheegay inuu xiriir la leeyahay madaxweyne.

Sidoo kale, dadka la qabqabtay waxaa ka mid ahaa nin sheegtay inuu ahaa ganacsade, kaasoo hub laga helay gurigiisa, kaddib markii ciidamadu ay ku sameeyeen baaritaanno.

Xubnihii lagu qabtay howlgalkii xalay ayaa waxay kala ahaayeen:

  1. Maxamuud Axmed shiikh Axmed
  2. Fiidoow Axmed Guud Cade
  3. Muuse Guure Maxamed
  4. Yaasmiin Siciid Muuse
  5. Faarax Maxamuud Maxamed
  6. Yuusuf Cali Shariif
  7. Mukhtaar Maxamuud

Xubno ka tirsan saraakiisha dowladda ayaa waxay sheegeen in maalmihii la soo dhaafay dhowr jeer hoobiyeyaal lagu garaacay degmooyinka Muqdisho qaarkood, iyagoo xusay inay baaritaanno dheeraad ah ku sameynayaan in qoriga ay qabteen uu yahay midkii la adeegsaday.

Haweeneyda la qabtay ayaa iyadoo hadashay waxay sheegtay in muddo bil ah ay ku sugan tahay Muqdisho, aysanna garanayn qoriga hoobiyaha ah ee la qabtay, kaasoo yaallay gurigii ay joogtay, waxaana ay sheegtay inay goor dhow ka timid Kismaayo.

Dhinaca kale, waxaa lasoo bandhigay miinooyin lagu soo qabqabtay howlgal laga sameeyay guriyo ku yaalla degmooyinka Howlwadaag iyo Hodan, sidoo kalena waxaa lasoo bandhigay toddobada qof ee la sheegay in guryahaas ay ku noolaayeen.

Hay’adaha ammaanka Qaranka ayaa dhowr jeer oo hore sheegay inay kusoo qabqabteen howgallo ay ka sameeyeen Muqdisho hub iyo dad ay sheegeen inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab oo dowladda dagaal kula jirta.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya