4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 28, 2013
Golaha wasiirada xukuumada Somalia oo Maanta kulan gaar ah ka yeeshay Xaaladaha Gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Dhexe

Sabti, September 28, 2013 (HOL) — Golaha wasiirada xukuumada Somalia ayaa kulan gaar ah ka yeeshay maanta xaaladda gobollada Banaadir iyo Shabeellada dhexe, waxaana kulanka shir-guddoominayay ku-simaha ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka kheyraadka dalka, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, waxaana kulankan lagu casuumay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Mudane Tarsan ayaa sharaxaad ka bixiyay xaaladda amniga gobolka, gaar ahaan qorshaha deriseynta, kaalinta gobolka ee amniga caasimadda iyo weliba mashaariicda horumarineed ee gobolku ku howlan yahay.

Golaha wasiirrada ayaa taageeray qorshayaasha gobolka ee horumarinta iyo sugida amniga gobolka Banaadir, waxaana lagu ammaanay kaalinta bilic soo celinta iyo iftiiminta magaalada. Waxayna ugu baaqeen golaha wasiirradu inay sii dar-dar-geliyaan wada shaqeynta maamulka gobolka Banaadir uu la leeyahay hay’addaha amniga si loo wiiqo qatarta argagixisada.

Sidoo kale, golaha wasiirrada ayaa ka hadlay xaaladda nololeed ee qoysaskii ku barakacay fataahadii dhawaan uu sameeyey wabiga Shabelle nawaaxiga magaalada Jowhar, kaasoo baabi’iyay dhul beereed baaxad leh, isla markaana jaray isku socodkii waddada u dhaxeysa Muqdisho iyo gobolka Shabeellada dhexe. Waxayna goluhu ugu yabooheen gargaar dhaqaale.

Golaha wasiiradu waxay kulankooda diiradda ku saareen xaalada fatahaada wabiga shabelle ee gobolka Shabeellada dhexe, waxayna ugu deeqeen lacag dhan Konton kun oo Dollarka mareykanka ah ($50.000), taasoo wax loogu qasbanayo dadkii ka barakacay fatahaadda iyo sidii fatahaadha looga hor-tegi lahaa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya