4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 28, 2013
Shilal Gaadiid oo ka dhacay duleedka Degmada Burco ee Gobolka Togdheer oo sababay Dhimashada Hal qof iyo dhaawc fara badan


Sabti, September 28, 2013 (HOL) — Hal qof ayaa ku geeriyooday, in ku dhow  toban qofna way ku dhaawacmay ka dib markii afar baabuur isla goob kaliya shil ku galeen duleedka magaaladda Burco ee gobolka Togdheer.

Afartan shil ee ka dhacay duleedka bari ee magaaladda Burco ayaa keenay dhimasho hal qof iyo tobaneeyo dhaawac ah iyo hanti badan oo halkaasi ku burburay oo iskugu jiray Xoolo iyo gaadiidba.

“Markiii hore laba gaadhi ayaa isku dhacay, waxaana ku dhintay hal qof, todoba kalana way ku dhaawacmeen,  markii aanu usoo gurmanay ayaa gaadhi saddexaad ku qalibmay isla goobtii waxba kumay dhiman ee dad baa ku dhaawacmay iy xoolo badana way ku dhinteen,anagoo dhaawacii gurayna ayaa gaadhi afraad isla goobtii gabadh ku jiidhay, nasiib wanaag Dhaawac ayey noqotay, waxa kale oo iyana gaadhi kale ku qalibmay Sayladda xoolaha Burco”ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Wadooyinka ee gobolka Togdheer oo ka warbixinayey shilalkan baabuur.

Dhawrkan shil ee shalay ka wada dhacay Burco ayaa ahaa Baabuur siday Xoole nool oo Xawaare sare ku socda, kuwaas oo ku qalibmay  meel u dhow magaaladda Burco, waxaana laba kale oo gaadhi ku dul dhaceen gaadhigii qalibmay, sidoo kale isla goobtaasi waxa qof haweenay ah ku jiidhay gaadhi kale oo meesha marayey.

Shilalkan goobta kaliya ka wada dhacay ayaa la sheegay in hal qof ku dhintay, tiro badana ku dhaawacmeen kuwaas oo loola cararay cisbitaalka Burco ee gobolka Togdheer. shilalkan isla goobta ku dhacay waxa usoo gurmaday maamulka heer gobol iyo heer degmo ee magaaladda Burco,  kuwaas oo daadguraynayey dadka wax ku noqday shilalkan.

Sidoo kale, waxa shilkan sidan oo kale ah isna ka dhacay Sayladda xoolaha ee Burco kaas oo khasaare maaliyadeed geystay. Shilalkan isla shalay ka wadda dhacay Burco ayaa lagu sheegay inay ahaayeen ilaa shan shil oo ay geysteen shan baabuur oo intooda badan xoolo siday.

Ciidamadda Wadooyinka ayaa sheegay inay baadhayaan waxa dhaliyey shilkan, isla markaana gaadiidleyda ugu baaqay inay qunyar socdaan oo ay  ilaaliyaan xoolaha iyo dadka la socdaba.

Si kastaba ha ahaatee, Gaadiidka sida xoolaha ee gobolada u kala socda ayaa maalmihii u dambeeyey ku soo badanayeen shilalkani, iyadoo lagu sheegay xawliga ay ku socdaan, iyagoo doonaya inuu mid walba dhawr jeer uu maalintii soo noqdo si uu wakhtigan Xajka oo xoolo badan laga dhoofinayo dekadda Berbera uga Faa’iidaysto.

Sidoo kale, shilkan noocan oo kale ah ayaa maalintii khamiistii ka dhacay duleedka Bari ee magaaladda Hargeysa kuwaas siday xoolo, waxaanay halkaasi isku dhacay saddex baabuur oo ay ku naf waayeen laba qof, halka dad badana ku dhaawacmeen.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland