9/22/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 28, 2013
Bannaanbax looga Horjeedo Weerarkii lagu Qaaday Westgate oo ka dhacay Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota (SAWIRRO



Sabti, September 28, 2013 (HOL) — Banaanbax  looga soo herjeeday wareeradii dhawaan ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, gaar ahaan suuqa Westgate Mall ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota.

Dadka dibadbaxa ka qaybqaadanayay ayaa waxaa wajiyadooda ka muuqatay sida ay uga xun yahiin wixii ka dhacay Westgate Mall. Jamaal Cismaan  Xasan oo ka mid ahaa dadkii dibadbaxa ka hadlay ayaa ka warramay dhib kasoo gaartay labo gabdhood oo uu waalid u yahay oo maalintii uu dhacayay weerarku ku sugnaa suuqa Westgate, isagoo cambaareyn adag dusha ka saaray Al-shabaab oo sheegtay inay weerarkaas ka dambeysay.

“Haddii xilli hore ay dhallinyaro ka tagtay magaaladeenna Minneapolis taasi ma ahan macnaheedu inay dhallinyaradeennu taageero u hayaan Al-shabaab warkaasuna waa mid ay baahiyaan warbaahinta caalamka,” ayay tiri Nimco Cabdullahi Axmed (Nimgo) oo ka mida dhallinyarada degen Minneapolis.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Sidoo kale, Ilhaan Cumar oo iyaduna ka hadashay bannaanbaxa ayaa tiri: “Waxaa markii ay dhibaato dhacdo lagu yiraahdaa dambiiluhu wuxuu ka yimid meel hebla sida Minnesota iyo Ingiriiska; waxaan idiin sheegayaa in dambiiluhu uusan lahayn waddan ama qaarad , balse dambiiluhu waa mid isagu galay dambigiisa cid la wadaagaysana ma jirto.”

Waxaa iyaguna kasoo qayb galay warbaahinta caalamka oo aad moodo inay guryo kumeel gaar ah ka samaysteen xaafadda ay Soomaalidu ka deggen yihiin gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Dhanka kale, waxaa dibadbaxa ka hadlay xubno ka tirsan jaaliyadda Kenya ee ku nool gobolka Minnesota, waxanna ka xusi karnaa khudbadii Ibraahim Baraaki, isagoo muujiyay dhibtii halkaa ka dhacday sida uu uga xun yahay, wuxuuna sheegay in Al-sbabaab ay dhibaato ku hayso Soomaaliya iyo sidoo kale dalalka ay dariska yihiin.

Siyaad Siciid Saalax
[email protected]
Minneapolis, Minnesota










Click here
9/28/2013 9:45 AM EST
Sabti, September 28, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa markii ugu horreysay u hanjabtay ciidamada Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan, iyagoo ugu baaqay inay Soomaaliya isaga baxaan haddii kale ay beegsan doonaan.

9/28/2013 9:19 AM EST
Sabti, September 28, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula kulmay xarunta Qaramada Midoobay ee New York xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon, isagoo kala hadlay sidii loo kobcin lahaa wada-shaqeynta iyo iskaashiga u dhexeeya Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya.

9/28/2013 8:52 AM EST
Sabti, September 28, 2013 (HOL) — Golaha wasiirada xukuumada Somalia ayaa kulan gaar ah ka yeeshay maanta xaaladda gobollada Banaadir iyo Shabeellada dhexe, waxaana kulanka shir-guddoominayay ku-simaha ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka kheyraadka dalka, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, waxaana kulankan lagu casuumay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

9/28/2013 8:43 AM EST
Sabti, September 28, 2013 (HOL) — Hal qof ayaa ku geeriyooday, in ku dhow toban qofna way ku dhaawacmay ka dib markii afar baabuur isla goob kaliya shil ku galeen duleedka magaaladda Burco ee gobolka Togdheer.

9/28/2013 3:28 AM EST
Sabti, September 28, 2013 (HOL) — Xildhibaan C/llaahi Jaamac oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ahna xubin ka tirsan guddiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo warshadaha baarlamaanka Somalia ayaa sheegay in federaal ku saleysan hab beeleed uu horseedi karo dagaallo sokeeye.