4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 27, 2013
Dhaqdhaqaaqii Ganacsiga ee Xaafadda Islii Nairobi oo dib u soo laabtay iyo Baqdin ay qabaan Soomaalida ku nool Xaafaddaas


Jimco, September 27, 2013 (HOL) — Xaafadda Islii (Eastleigh) ee magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxaa maalmihii uu socday weerarkii lagu qaaday Westgate Mall waxaa ka jiray baqdin, iyadoo ganacsiga uu hoos u dhacay, inkastoo maanta oo Jimco ah uu dib u soo laabtay guud ahaan ganacsigii ka jiray xaafaddaas.

Ganacsatada xaafaddaas oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu dib u soo laabtay ganacsiga inkastoo ay jirto baqdin ay ka qabaan in baaritaan lagu dhibaateeyo ay xaafaddooda ka sameeyaan ciidamada Kenya.

“Maalmahan si gaabis ah ayuu ganacsigu ku socday, balse maanta wuxuu ku soo laabtay sidii hore, waxaana maalmahan ganacsiga aan xiri jirnay marka la gaaro 6:00 marqribnimo, halkii aan horay u gaari jirtay illaa 9:00 fiidnimo,” ayuu yiri C/qaadir Qorane oo ka mid ah ganacsatada Islii oo VOA-da la hadlayay.

Ganacsadahan ayaa sheegay inay jirto baqdin ay qabaan, balse xalaaddu ay maanta tahay mid caadi ah , isagoo sheegay inay aad uga xun yihiin dhibaatadii ka dhacday magaalada Nairobi iyo dadkii waxyeelladu ay kasoo gaartay.

Sidoo kale, ganacsade magaciisa kusoo koobay Maxamed ayaa isaguna u sheegay VOA-da in ganacsiga uu caadi kusoo laabtay, isagoo sheegay inay jirato cabsi ay qabaan, balse aysan u muuqan wax dhibaatooyin ah oo dhici kara.

Dhanka kale, waxaa iyagna si caadi ah ku soo laabtay socodka dadka oo aad gaabis u ahaa maalmihii lasoo dhaafay, waxaana xaafaddaas saakay lagu arkayay dhallinyaro iskoolley ah oo u socda goobahooda waxbarashada.

Shaafici Maxamed oo ka mid ah ardayda wax ka barta Kenya ayaa isaguna sheegay inay si caadi ah u aadayeen dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay goobahooda waxbarashada, balse ay dadka Soomaaliyeed oo dhan qabaan cabsi ah in dhibaateeyin ka dhasha weerarkii ka dhacay Westgate loo geysto.

Madaxda dalka Kenya ayaa sheegay in weerarkii Westgate uu ahaa mid ay ka dambeeyeen kooxo argagaxiso ah, taasoo hoos u dhigtay caradii ay qabeen dadka Kenyanka ah oo markii ay qarxyo dhacaan beegsan jiray dadka Soomaalida ah ee ku nool xaafadda Islii.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya