4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 27, 2013
Afhayeenka Al-shabaab oo ka Warbixiyay Weerar Gaadmo ah Xoogaggoodu ay ku Qaadeen Degmada Mandheera ee dalka Kenya

Jimco, September 27, 2013 (HOL) — Afhayeenka howgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo la hadlay warbaahinta afkooda ku hadasha, ayaa ka warbixiyay weerar ay habeen hore ku qaadeen saldhig booliis oo ku yaalla degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari Kenya.

Sheekh Abuu-Muscab ayaa sheegay inay weerareen saldhig Mandheera ku yaalla oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan booliiska Kenya, ayna halkaas ugu geysteen khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawacyo burbur gaadiid.

“Mujaahidiintu waxay habeen hore weerareen saldhig ay ciidmada Booliisku ku leeyihiin Mandheera, waxayna halkaas ku dileen saddex sarkaal oo ka tirsan booliiska Kenya, shan kalena way dhaawaceen,” ayuu yiri afhayeenka oo sheegay in ciidamadooda ay si nabadgalyo ah kusoo laabteen.

Afhayeenku wuxuu intaa ku daray in weerarku uu ahaa mid gaadmo ah uuna qayb ka yahay weerarrada ay doonayaan inay Kenya ku dhibaateeyaan, isagoo ku sheegay hadalkiisa in ammaankii Kenya ka jiray uu burburay.

“Weerarkaa waxay mujaahidiintu ku burburiyeen gaadiid ay ciidamadaasi u adeegsan jireen dhibaateynta dadka muslimiinta ah, cawaaqib-xumo aad u weyn ayaana ka raacday,” ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenku.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inay xoogaggoodu weerareen saldhig kale oo ku yaalla degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi-bari ee Kenya halkaasoo ay ku dileen sida uu sheegay saraakiil  Kenyan ah kuwo kalena ay dhaawacyo ugu geystneen, inkastoo uusan sheegin tiradooda.

Al-shabaab ayaa ku goodisay inay sii wadayso weerrarada ay Kenya ka geysanayso, tan iyo markii ay kooxdan sheegatay weerar afar maalmood qaatay oo ay ku qaadeen dhismaha ganacsiga Westgate Mall ee Nairobi.

Dhanka kale, hoggaamiyaha guud ee Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaan Sheekh Mukhtar C/raxmaan Abuu-Zubeyr ayaa ku goodiyay inay weerarro kale oo waaweyn ku qaadi doonaan Kenya, haddii aysan sida ugu dhaqsiyaha badan ciidamadooda ugala bixin Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya