4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 27, 2013
Culummada Muslimiinta Kenya oo khudbadii Jimcaha ee Maanta si adag ugu Cambaareeyay Weerarkii lagu qaaday Westgate Mall


Jimco, September 27, 2013 (HOL) — Culummada Muslimiinta dalka Kenya ayaa ku cambaareeyay khudbadii Jimcaha ee maanta weerarkii dhowrka maalmood qaatay ee Al-shabaab ay ku qaadday dhismaha ganacsiga ee Westgate Mall.

Mashaa’ikhdan waxay khudbadooda ku sheegeen in weerarkaas uu ahaa mid aysan diinta Islaamku qabin oo xad-gudub ah, iyagoo sheegay in la weeraray dad aan waxba galabsan oo howl-maalmeedyadooda caadiga ah ku jiray.

”Diinta Islaamka mowqifka ay ka qabto dhibaatooyinka loo geysanayo dad aan wax dhib ah geysan oo ammaan ku nool ayaan ka faa’iidnay khudbadii maanta, aad ayaana ula dhacday muxaadarada, waana mid dadka muslimka ah ku baraarujinaysa in dhibaatooyinkaas oo kale aysan diinta Islaamka wax raad ah ku lahayn, isla markaana aan Islaamka loo saarin karin,” ayuu yiri C/risaaq C/laahi Faarax oo ka mid ahaa dadkii dhageysanayay khudbadii Jiimcaha ee maanta.

Sheekh Maxamed Umal oo ka mid ah culummada waaweyn ee dalka Kenya ayaa khudbadii uu maanta ka jeediyay masaajidka Abuu-Hureyra oo ku yaalla xaafadda Islii ee ay Soomaalidu degto wuxuu ku sheegay in falkaasi uu yahay mid aanu Islaamku qabin.

“Islaamku ma qabo in dad meel iska daggan waxay doonaan ha haadaan Muslim iyo gaal la beegsado, waayo wax dhibaato ah oo ay geysteen ma jirto, waana mid aan ka xunnahay dhibaatadii ka dhacday Westgate Mall,” ayuu yiri Sheekh Umal.

Masaajidda waaweyn ee dalka Kenya ayaa waxay maanta ahaayeen kuwo khudbooyinkooda looga hadlay weerarkii Westgate Mall kaasoo ay naftooda ku waayeen in ku dhow 70-qof oo ay ku jireen kooxihii weerarka qaaday iyo ciidamada Kenya ee dagaalka kula jiray afarta maalmood ayna ku dhaawacmeen 172-qof oo kale .

“Culummadu waxay kaga hadleen khudbadoodii maanta oo Jimco ah arrimo uu ugu muhiimsan yahay ammaanka, waxayna ku baaqeen inay tahay wax aad u wanaagsan in nabad lagu wada noolaado. Waxay kaloo sheegeen in falkan oo kale uu horseedi karo dhibaato loo geysto dad badan oo aan waxba galabsan, gaar ahaan dadka Muslimiinta ah,” ayuu yiri Maxamed Xuseen oo isna ka mid ahaa dadkii khudbadii jimcaha ka dhageystay mid ka mid ah masaajidda Nairobi.

Weerarkii Westgate Mall ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab oo ku tilmaamay inuu ahaa mid ay ugu aargudayaan dad badan oo ciidamada dalka Kenya ay ku laayeen gudaha Soomaaliya labadii sano ee lasoo dhaafay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya