4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 27, 2013
Dalalka Uganda iyo Burundi oo sare u Qaaday Ammaanka dalalkooda iyagoo ka baqdin qaba Weerarro kaga yimaada Al-shabaab


Jimco, September 27, 2013 (HOL) — Dalalka Burund iyo Uganda oo ay Soomaaliya kaga sugan yihiin ciidammo qayb ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa bilaabay in ammaanka guud ee dalalkooda ay adkeeyaan iyagoo baqdin ka qaba weerarro uga yimaada Al-shabaab, kaddib weerarkii ay ka geysteen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Xarakada Al-shabaab oo ka dagaalanta Soomaaliya ayaa waxay sheegtay in weerarro la mid ah kuwii ay ku qaadday xarunta ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nairobi oo maalmo qaatay ay la beegsan doonaan dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

“Tan iyo markii uu weerarku ka dhacay Nairobi waxaa soo baxayay warar kutiri-ku-teen ah oo sheegaya in dalka ku xiga uu noqon doono Burundi, sidaa daraadeed waxay ciidamadeenna ammaanku bilaabeen inay sare u qaadaan xoojinta ammaanka goobaha muhiimka ah,” ayuu yiri ku xigeenka afhayeenka booliiska Burundi, Pierre Nkurikiye oo la hadlayay AFP.

Sidoo kale, dalka Uganda oo sannadkii 2010 ay Al-shabaab ka geysatay weerarro ay ku dhinteen 76-qof ayaa iyaguna xoojiyay ammaanka dalkooda, iyagoo ka baqdin qaba weerarro kale oo ay kooxdan ka geysato.

“Waxaan xaqiijinnay ammaanka  goobaha muhiimka ah ee dalkeenna kaddib weerarkii ay Al-shabaab ka geysatay Nairobi. Waxaan ka baqdin qabnaa inuu noqdo dalkeennu midka labaad oo ay Al-sbabaab beegsan karto,” ayuu yiri sarkaal magaciisa kusoo koobay Patrice oo u hadlay dowladda Uganda.

Saraaalka ayaa intaas ku daray: “Waayo dalkeenna waxaa kaga jooga  Soomaaliya ciidammo fara badan oo ka qayb qaatay dagaalka lagula jiro Al-shabaab. Waxaaan isku aragnaa inaan nahay dalka labaad oo ay indhaha ku hayso.”

Magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda ayaa maanta oo Sabti ah si aad ah loo adkeeyay ammaanka goobaha muhiimka ah sida: isbitaallada iyo suuqyada, sidoo kalena waxaa la adkeeyay dhismayaasha dowladda.

Dhanka kale, dowladda Itoobiya oo ay ciidammo kaga sugan yihiin Somaaliya ayaa sheegtay inaysan wax cabsi ah ka qabin weerar kaga yimaada kooxda  Al-shabaab, iyadoo afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas, Dina Mufti uu sheegay inay ciidamadoodu heegan buuxa ku jiraan ayna ka si dhaqso ah kaga jawaabi doonaan weerar walba oo dhaca.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya