4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 27, 2013
Xaaladda barakacayaasha ku sugan Degmada Ceelbarde oo laga dayrinayo iyo Jaamacaddii afaraad oo laga furay Baydhabo

Jimco, September 27, 2013 (HOL) — Barakacyaal jooga degmada Ceel-berde ee gobolka Bakool oo markii hore ka yimid degmada Xudur oo xarun u ah gobolkaas ayaa laga dayrinayaa xaaladooda nololeed.

Mid ka mid ah aqoonyahannada gobolka Bakool oo la yiraahdo, Cusmaan Cali Qooreey ayaa ku tilmaamay in barkacyaashaasi ay yihiin kuwo ay macaluuli ka muuqato oo aan helin wax gargaar ah muddooyinkii ugu dambeeyay.

“Hay’adaha samafalka iyo ganacsatada waxaan ka codsanaynaa inay si deg-deg ah kaalmo ula soo gaaraan dadka barakacyaasha ah ee jooga degmada Ceel-berde,” ayuu yiri Cusmaan Qorooy.

Dhanka kale, magaalada Baydhabo ayaa waxaa laga furay jaamacaddii afaraad oo loogu magac-daray Ganaane University, iyadoo xafladda furitaankeeda ay ka qayb galeen dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo mas’uuliyiinta magaalada Baydhabo.

Maamulaha jaamacadan cusub, Sheekh Aadan Saciid ayaa sheegay in jaamacadani ay tahay mid ay wax ka dhigi doonaan macallimiin tayo leh, kuwaasoo dabooli kara -sida uu sheegay-  baahida waxbarasho ee bulshada.

Waxaa kaloo halkaas ka hadashay, Fowzi Cabdi Nuur oo ah afhayeenka golaha aqoonyahannada Koonfurta Soomaaliya, waxuuna sheegay in loo baahan yahay in cilmiga jaamacadda laga baranayo lagu daro beeraha, maadaama ay dadka deggen degmadaasi yihiin kuwo beeraley ah ayna aad u jecel yihiin barashada cilmiga beeraha.

Ugu dambeyn, Fowzi Cabdi wuxuu sheegay in magaalada Baydhabo ay ku sugan yihiin macallimiin ku taqusasey cilmiga beeraha iyo dhirta, awoodna u leh inay shacabka baraan.

Hiiraan Online, Baydhabo