4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 27, 2013
MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: “Al-Shabaab waan la dagaalanay waana ka guuleysannay, inta hartayna waan dhameystiraynaa“


Jimco, September 27, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay xalay shirka sannadlaha ah ee UN-ka ayaa ka hadlay arrimo badan oo horyaalla dowladda Somalia sida amniga iyo muhiimadda ay leedahay in la taagero hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa wuxuu ku yiri khudbaddiisa: “Al-shabaab magaalooyinka waan ka saarnay, waxaana kula dagalaami doonnaa inta hartay baadiyaha, tuulooyinka iyo meel kasta ay oo ay ku harsan yihiin. Waan uga guuleysanay dagaalkii fool-ka-foolka ahaa, haddana waa inaan ka guuleysano fikirkooda sunta ah annagoo isticmaalayna, tiknolojiyad casriga ah iyo waxbarashada.”

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in weerarkii ay Al-shabaab ku qaadday suuqa ganacsiga ee Westgate Mall uu ahaa mid caalamka oo dhan tusaya calaamado ay ka mid yihiin in Al-shabaab aysan khatar ku ahayn Soomaaliya, balse ay khatar ku tahay caalamka oo dhan.

“Weerarkii Al-shabaab ay ku qaadday Westgate Mall wuxuu na tusayaa inay kooxdani tahay mid khatar ku ah caalamka oo dhan, balse aysan khatar ku ahayn Soomaaliya iyo dalalka gobolka oo keliya,” ayuu madaxweynuhu ku daray hadalkiisa.

Madaxweynaha ayaa wuxuu ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin heshiiska New Deal ama Higsiga Cusub ee lagu saxiixay Brussels bisha Septmber 2013-da, isagoo ku boorriyay beesha caalamka inay u istaagaan is bedel dhab ah.

“Si uu shaqeeyo New Dealka waa inaysan noqon hadal ee waa inuu noqdaa mid miro-dhal ah. Shacabkeena wax badan ayay naga filayaan waa inaan ka soo baxnaa in arrimaha bulshana ay dowladda gaarsiiso dalka oo dhan si shacabku ay u dareemaan kalsooni,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.

Isagoo sii hadlayay ayaa wuxuu yiri: “Soomaaliya waxay gadaal iska dhigtay 22-sano oo dagaal sokeeye ah. Horumar badan ayaana laga gaaray xagga maamulka maaliyadda, xiriirka gobollada iyo in sal adag loo taago hay’adaha dowliga ah. Waxaana la hiigsanayaa in 2016-ka ay doorasho xor ah dalka ka dhacdo.”

Madaxweynaha Soomaaliya oo dhinaca kale ka hadlay wadahadallada ay kula jiraan Soomaliland ayaa sheegay inay sii wadayaan inta ay ka gaari doonaan xal waara oo labada dhinac ay isku af-gartaan.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaalia ayaa lagu wadaa in maanta oo Jimco ah uu soo gabagabeeyo safarka uu ku joogo dalka Maraykanka, isla maantana uu kasoo dhoofi doono magaalada New York.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya