4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 26, 2013
Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo maanta gaaray Magaalada Beledweyne (SAWIRRO)


Khamiis, September 26, 2013 (HOL) — Waxaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliyeed Jen C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid ahaayeen saraakiil ka soctay booliiska howlgalka midowgga Afrika ee AMISOM.

Garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ee Ugaas Khaliif waxaa ku soo dhoweeyay saraakiisha ciidamada booliiska maamulka gobolka Hiiraan oo uu horkacayo taliyaha qeybta booliiska gobolka Kol. Isaaq Cali C/dulle iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah AMISOM.

Taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliyeed Jen. C/xakiin Daahir Saciid oo warbaahinta la hadlay, ayaa ku sheegay ujeedada socdaalkooda in ay u kuur gelayaan xaaladda dhabta ah ee ciidamada booliiska ee ka howlgala magaalada Beledweyne oo dhowr mar ay saraakiisha ciidamada Jabuuti tababar siiyeen.

''Halkan -Beledweyne- waxaan u nimid sidii aan wax badan uga ogaan laheyn xaaladda ciidamada booliiska gobolka Hiiraan iyo sida ay u shaqeeyaan, iyo waliba in aan soo gaarsiino agab ay ku shaqeeyaan ciidamada oo isugu jira dareyska iyo waliba koofiyadaha rasaasta looga gaashaanto,'' ayuu yiri taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliyeed.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in ay soo dirri doonaan guddi qiimeyn ku sameyn doona saldhiga booliiska magaalada Beledweyne oo sida uu sheegay dib u habeyn lagu sameyn doono, isaga oo intaa ku darray in saldhiga xarun dhexe looga dhigi doono tababarada ciidamada booliiska ka howlgali doona in badan oo ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya.

''Saldhiga booliiska Beledweyne waxaa u soo dirri doonaa guddi qiimeeya si dib u dhis loogu sameeyo, waayo waxaa u qorsheynay in uu saldhiga ama xarun dhexe u noqdo tababarada la siinayo ciidamada booliiska ka howlgala qaar ka mid ah gobollada dalka,'' ayuu yiri taliyaha.

Jen C/xakiin Daahir Saciid ayaa intaa ku darray in wixii hadda ka danbeeya ciidamada booliiska ka howlgala magaalada Beledweyne heli doonaan xuquuqda ay leeyihiin, isaga oo ku amaanay sida ay isaga xil saareen sugida nabad-galyada magaalada Beledweyne.

''Sidoo kale ujeedada socdaalkeena ku dhawaaqista in si rasmi ah halkan uga bilaabi doonaan saraakiisha ciidamada booliiska AMISOM tababarada la siinayo ciidamada booliiska Soomaaliyeed,'' ayuu yiri taliyaha.

Si gaar ah waxaa uu amaan ugu jeediyay saraakiisha ciidamada Jabuuti oo sida uu sheegay siweyn isugu howlay dib-u-dhiska ciidamada maamulka gobolka iyo ku gacan siinta sidii loogu guuleysan lahaa nabad-galyada xiligan ka jirta magaalada Beledweyne.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo xarunta maamulka kulan kula qaatay wafdiga ayaa uga mahad celiyay dadaalka dheeraadka ah ee ay ku bixinayaan tayeynta iyo dib-u-soo nooleynta ciidamada boooliiska Soomaaliyeed oo sida guddoomiyuhu sheegay ah astaanta nabad-gelyada.

''Annaga ka maamul ahaan ahmiyad gaar ah ayeey inoo leeyihiin ciidamada booliiska, waayo waa astaan nabad-galyo, sidaa daraadeed gacan buuxda ayaan idinku siin doonnaa dib-u -dhiskooda,'' ayuu yiri guddoomiyaha.

Sarkaalka ugu sareeya ciidamada booliiska AMISOM oo ka mid ahaa xubnaha wafdiga maanta gaaray Beledweyne, ayaa ku amaanay maamulka gobolka sida uu ugu guuleystay wax ka qabashada amniga, gaar ahaan waxaa uu sheegay in uu si weyn ula dhacay sida amniga loo sugay iyaga oo xubnaha wafdigu lug ku maray qaybo kamid ah magaalada.

Ugu dambeyntii wafdiga oo dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa horay u sii raacay ilaa 50 askari oo ka tirsanaa ciidamada booliiska maamulka gobolka oo la sheegay in uu tababar uga furmayo magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.






C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya