3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 26, 2013
Taliyaha Ciidamada dalka Uganda oo Sheegay in loo baahan yahay in Tirada Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM la kordhiyo


Khamiis, September 26, 2013 (HOL) — Taliyaha ciidamada dalka Uganda, Jen. Katumba Wamala ayaa sheegay in ciidamada AMISOM tiradooda lagu kordhinayo kumannaan askari si ay u xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.

Jen. Wamala wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM oo tiro ahaan gaaraya 17,731 askari laga dhigayo 20,000 ilaa 25,000 oo askari, iyadoo sidoo kale lagu caawinayo diyaaradaha qummaatiga u kaca si ay Al-shabaab uga saaraan deegaannada ay weli ka harsan tahay.

“Ururka Midowga Afrika waa inuu arrintaan si dhaqso badan uga hadlo, si loo kordhiyo tirada ciidamada AMISOM oo dagaal kula jira Al-shabaab,” ayuu yiri Katumba oo wariyeyaasha kula hadlayay wasaaradda gaashaandhigga dalka Uganda.

Taliyuhu wuxuu sheegay in weerarkii magaalada Nairobi kaddib ay u diyaar-garoobeen ciidamada sirdoonka Uganda sidii ay uga jawaabi lahaayeen wax walba oo weerarro ah oo ay kooxaha argagaxisada ahi damcaan inay dalkooda ka geystaan.

Dalalka Uganda iyo Burundi ayaa waxay ahaayeen dalalkii ugu horreeyay oo ciidammo nabad ilaalin ah u dira Soomaaliya, kuwaasoo loo bixiyay magaca AMISOM, tiradooduna ay haatan gaarayso 7,000 oo askari.

Hadalka taliyaha ciidamada Uganda ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dhawaan uu ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya dalbaday in diyaarado kuwa qummaatiga u kaca ah lagu taageero ciidamada AMISOM si ay Al-shabaab ula dagaalamaan.

Ciidamada AMISOM ayaa waxay labadii sano ee lasoo dhaafay dagaal adag kula jireen xoogagga Al-shabaab, iyagoo ka saaray deegaanno badan oo ay ka mid yihiin Kismaayo, Jowhar, Marko iyo kuwo kale oo Muqdisho ka fog.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
9/26/2013 10:32 AM EST
Khamiis, September 26, 2013 (HOL) — Waxaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliyeed Jen C/xakiin Daahir Saciid [Saacid] iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid ahaayeen saraakiil ka soctay booliiska howlgalka midowgga Afrika AMISOM.

9/26/2013 10:29 AM EST
Khamiis, September 26, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaana shir guddoominayay ku-simaha ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka kheyraadka, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, waxaana kulanka looga dooday qodobbo ay ka mid yihiin amniga dalka, gaar ahaana howlgal toddobaadkan looga sifeeyay Al-shabaab qeybo ka mid ah gobolka Shabeellada dhexe.

9/26/2013 10:02 AM EST
Khamiis, September 26, 2013 (HOL) — Ugu yaraan laba sarkaal oo booliiska Kenya ka tirsan ayaa ku dhintay weerar ay dabley hubeysan saldhig booliis oo ku yaalla degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari Kenya.

9/26/2013 7:17 AM EST
Khamiis, September 26, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo maalin ka hor dib ugu laabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, isaga oo ka mid ahaa wafuudii ka qeyb-gashay shirkii Brussels, ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ula wareegi doonaan deegaannada gacanta ugu jira xoogagga Al-shabaab.

9/26/2013 7:15 AM EST
Khamiis, September 26, 2013 (HOL) — Mucaraadka dalka Itoobiya ayaa ka muujiyay walaac xooggan in Al-shabaab ay dalkaas ku beegsato joogitaanka ciidamada Itoobiya ee gudaha Soomaaliya, iyadoo dowladda Itoobiya ay ku sheegtay hadalkaas mid aanay waxba ka jirin.

9/26/2013 6:51 AM EST
Khamiis, September 26, 2013 (HOL) — Hoggaamiyaha Al-shabaab, Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-zubeyr oo loo yaqaan Axmed Cabdi Gadole ayaa ka hadlay weerarkii ay Al-shabaab ay ku qaadday dhismaha Westgate Mall ee magaalada Nairobi, isagoo sheegay inuu ahaa mid ay uga jawaabayeen duullaan uu sheegay inay Kenya kusoo qaadday Soomaaliya.

9/26/2013 6:45 AM EST
Khamiis, September 26, 2013 (HOL) — Wasaaradda war-faafinta Puntland ayaa xayiraad ay horay ugu soo rogtey ka qaadday saddex idaacadood oo aan xarumo ku lahayn Puntland, balse ay baahin jireen qaar kamid ah FM-yada ka shaqeeya deegaannada Puntland. Saddexda idaacadood ee la fasaxay ayaa kala ah Ergo, Bar-kulan iyo Hirad.

9/26/2013 6:43 AM EST
Inkastoo madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta uu shaaciyay in 72 qof oo ay ku jiraan 5 kamid ah kooxihii weerarka qaaday ay ku dhinteen dagaalkii 4-ta maalmood socday ayaa wararka ay warbaahintu helaysaa ay muujinayaan in dhammaan dadkii afduubka loogu haystay gudaha xaruntaas maydadkoodu ay ku hoos jiraan dhismayaashii burburay.

9/26/2013 3:42 AM EST
Khamiis, September 26, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa kulammo dhinaca ammaanka ah la yeeshay madax kala duwan oo calaami ah, waxaana ka mid ah: Madaxweynaha Turkiga Cabdullaahi Guul, amiirka Qatar, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani iyo xoghayihii hore ee wasaarada arrimaha dibadda ee Maraykanka, Hillary Clinton.

9/26/2013 3:41 AM EST
Khamiis, September 26, 2013 (HOL) — Kaddib markii uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) uu soo gaba-gabeeyay socdaal uu ku joogay magaalada Geneve ee Switzerland oo uu kaga qayb-galayay kulankii golaha xuquuqul insaanka Qaramada Midoobay ee looga hadlayay sidii kor loogu qaadi lahaa xuquuqul insaanka Soomaaliya ayuu shalay soo gaaray magaaladda Ankara ee dalka Turkiga oo booqasho rasmi ah uu ku yimid.

9/26/2013 2:20 AM EST
Khamiis, September 26, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmihii u dambeeyey booqasho ku joogey dalka Yemen, ayaa la kulmay madaxda ugu sarreysa dalkaas, gaar ahaan Madaxweyne Cabddul Rabbi Mansuur Haadi iyo Ra'iisul wasaare Basindawa.

9/26/2013 1:41 AM EST
Khamiis, September 26, 2013 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay shan kalena way ku dhaawacmeen qaraxo iyo is-rasaaseyn xalay ka dhacday degmada Wajeer ee gobolka waqooyi-bari Kenya.