4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 26, 2013
Mucaaradka dalka Itoobiya oo Walaac ka muujiyay Weerarro ay Al-shabaab ku Qaaddo dalkooda iyo Dowladda oo ka dhashay

Khamiis, September 26, 2013 (HOL) — Mucaraadka dalka Itoobiya ayaa ka muujiyay walaac xooggan in Al-shabaab ay dalkaas ku beegsato joogitaanka ciidamada Itoobiya ee gudaha Soomaaliya, iyadoo dowladda Itoobiya ay ku sheegtay hadalkaas mid aanay waxba ka jirin.

Al-shabaab oo afar maalmood gacanta ku haysay dhisme ganacsi ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa mucaaradka Itoobiya walaac weyn ku abuuray sida ay saraakiil mucaaradka ka tirsan u sheegeen warbaahinta dalkaas iyo kuwa caalamka.

“Kooxda Al-shabaab waxay cadow ku tahay nabadda, sidaas darteed diyaar-garow ayaan ugu jirnaa inaan iska difaacno. Balse ma jirto khatar hadda muuqata oo dalkeenna kusoo wajahan,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, Dina Mufti.

Isagoo sii hadlaya ayaa wuxuu yiri: “Ciidamadeenna Milateriga iyo kuweenna nabad-sugidda awood buuxda ayay u leeyihiin inay iska difaacaan wax walba oo shacabkeenna walaac geliya.”

Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay sii joogi doonaan Soomaaliya inta Al-shabaab laga wiiqayo iyo inta ay kaga soo laabanayso Soomaaliya deggenaasho iyo nabad buuxda.

Mufti wuxuu ka dalbaday madaxda IGAD inay si dhow uga shaqeeyaan sidii laysaga kaashan lahaa in la cirib tiro argagaxisada oo uu sheegay inay khatar weyn ku hayso dalalka gobolka oo dhan.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Tedros Adhanom ayaa ku sheegay hadal uu wabaahinta siiyay, inuu uga tacsiyeynayo shacabka dalka Kenya weerarkii khasaaraha geystay ee ka dhacay magaalada Nairboi.

Hadalka kasoo yeeray dowladda Itoobiya ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay Al-shabaab ku goodisay in weerarro la mid ah kuwii ka dhacay Kenya ay la beegsan doonto dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo Itoobiya ay kamid tahay.

Itoobiya ayaa waxaa kaga sugan Soomaaliya kumannaan askari oo aan qayb ka ahay howgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kaasoo lagu baadi-goobayo nabad ka dhalata Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya