4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 26, 2013
ABUU-ZUBEYR: “Kenya ciidamadeeda ha kala baxdo Soomaaliya haddii kale ha u diyaar-garowdo dagaal iyo burbur dhaqaale”

Khamiis, September 26, 2013 (HOL) — Hoggaamiyaha Al-shabaab, Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-zubeyr oo loo yaqaan Axmed Cabdi Gadole ayaa ka hadlay weerarkii ay Al-shabaab ay ku qaadday dhismaha Westgate Mall ee magaalada Nairobi, isagoo sheegay inuu ahaa mid ay uga jawaabayeen duullaan uu sheegay inay Kenya kusoo qaadday Soomaaliya.

Abuu-zubeyr ayaa sheegy in duullaankan ay ku beegeen 10-casho kaddib sannad-guuradii 12-aad ee kasoo wareegtay 11-kii September 2002 oo ahayd markii weerarro ay dad badani ku dhinteen lagu qaaday dalka Mareykanka.

“Weerarkii Westgate wuxuu ka mid yahay weerarrada ay islaamku dunida ka fuliyeen kuwa ugu taariikhisan, taasoo dhiiggooda ay ku qoreen qaar ka mid ah mujaahidiinta naftood hurayaasha ah, iyagoo u aargudayay dhiigga kuwa aan waxba galabsan ee la laayhay, waxaana Kenya lagu tusay dhibaatada ay ciidamadoodu ka geysanayaan gudaha dalkeenna,” ayuu yiri Abuu-zubeyr.

Sidoo kale, amiirka Al-shabaab wuxuu soo hadal qaaday afartii maalmood ee ay kooxaha hubeysan ka dhex-dagaalamayeen gudaha suuqa Westgate Mall isagoo ku tilmaamay mid muujinaysa inaysan jirin wax ka horiman kara iimaanka, isago xusay inuu yahay duullaan amakaag ku reebay dadka dalka Kenya u dhashay oo dhan.

“Weerarkaas  wuxuu ku ahaa dhakafaar iyo yaab madaxda Kenya ee sida ka fiirsi la’aanta ah ugu soo duulay Soomaaliya, wuxuu sidoo kale u ahaa dalalka reer galbeedka tusaale ku aaddan shirkadahooda batroolkana u baaraya Kenya,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Sidoo kale, hoggaamiyaha Al-shabaab wuxuu ku sheegay in dagaalka ay ku soo qaadday Kenya dalka Soomaaliya uu yahay mid aanay awood u lahayn oo ay geliyeen reer galbeedka, isagoo sheegay inaysan marna kaga adkaan karin Islaamka.

“Bulshada reer Kenya waxaan leenahay waxaad gasheen dagaal aydaan u lahayn awood… danahiinnana ka dhan ah… waxaad lumiseen amnigiina iyo dhaqaalihiina, waxaad weydeen wiilashiinnii, maxaa yeelay xasuuqa ay ka geysteen ciidamadiina Kismaayo iyo deegaannada kale qayb ayaad ka tihiin, waayo siyaasiyiinta idinka ayaa doortay, canshuurta aad bixisaan ayaa lagu hubeeyaa ciidanka go’aanka dagaalkana waad taageerteen” ayuu yiri mas’uulka ugu sarreeya Al-shabaab.

Hoggaamiyaha Al-shabaab oo sii hadlay ayaa sheegay in Kenya aysan wax awood ah u lahayn dagaal daba-dheeraada  oo ay kasii wadaan Soomaaliya, sidoo kalena aysan u dulqaadin karin weerarro dhiig-bax ah oo dalka Kenya gudihiisa ka dhaca, sidaa darteed ay tahay in ciidamadooda ay kala baxaan gudaha Soomaaliya.

“Maanta go’aan qaata oo ciidankiina kala baxa Soomaaliya, haddii kale u diyaar garooba dhiig badan oo dhulkiina ku daata, burbur dhaqaale iyo barakac,” ayuu Abuu-zubeyr hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyb, hoggaamiyaha Al-shabaab wuxuu sheegay in weerarkii Westgate Mall ay Kenya u adeegsatay sun kiimiko ah si ay u afjaraan colaadda, waxaana ku dhintay gudaha xaruntaas 100 oo afduub ahaan loogu haystay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya