4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 26, 2013
Tirada dadkii ku dhintay weerarkii Westgate oo la filayo inay sii kororto iyo baroordiiq maalinkii labaad soconaysa (SAWIRRO)
Som 15.jpg
Khamiis, September 26, 2013(HOL) - Inkastoo madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta  uu shaaciyay in 72 qof oo ay ku jiraan 5 kamid ah kooxihii weerarka qaaday ay ku dhinteen dagaalkii 4-ta maalmood socday,  ayaa wararka ay warbaahintu helaysaa waxay muujinayaan in dhammaan dadkii afduubka loogu haystay gudaha xaruntaas maydadkoodu ay ku hoos jiraan dhismayaashii burburay.

Wargeyska The Standard oo kamid ah wargeysyada ugu afka dheer dalka Kenya ayaa sheegay in xalay oo Talaado ahayd tobonnaan kamid ah dadkii afduubka loo haystay maydadkoodii laga helay burburkii 3 dabaq oo ku duntay qaraxyadii iyo dabkii ka kacay xarunta Westgate markii ay socdeen dagaalka lagula jiray kooxdii weerarka fulisay oo gudaha ku haysatay dad aan tiradooda la xaqiijin Karin.

Warbaahinta dalka Kenya qaarkeed ayaa tabisay in loo malaynayo 70 qof oo la la’yahay inay kamid yihiin dadka maydadkoodu ay ku hoos jiraan burburka dhismaha.

Dawlada Kenya oo ku mashquulsan baaritaanka iyo tijaabooyin laga qaadayo maydadka rag loo malaynayo inay ahaayeen kooxihii hubaysnaa ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho halka ay ku dambeeyeen dadkii afduubka loo haystay oo ay haatan cadaatay inaan jawaab loo haynin meesha ay mareen.

Waxayna inta badan wargeysyada Kenya qorayaan in aysan cidina ka badbaadin dadkii adfuubka loo haystay iyadoo lagu mashquulsanyahay baaritaannada cidii ka dambaysay weerarka oo kaliya.

Baroordiiq

Waxaa soconaya maalintii labaad oo barooqdiiq ah, iyadoo hoos loo dhigay calanka Kenya, dadkii ay qaraabadoodu dhimatayna ay wadaan aaska loo samaynayo dadkii ku geeriyooday weeraradan oo ahaa kuwii ugu khasaaraha badnaa ee Kenya gil-gila tan iyo 1998, xilligaas oo qarax loo gaystay safaaraddii Maraykanka ay ku dhinteen 250 qof oo isugu jiray Kenyan iyo ajaanib.

Xog-hayaha golaha sare ee Muslimiinta Kenya Aadan Wachu ayaa shaaciyay in muslimiintu ay ka qayb qaadan doonaan aas qaran oo maanta loo samaynayo dadkii ku dhintay weerarka, isagoo sheegay in aan diinta Islaamka loo nisbayn Karin kooxihii weerarka qaaday oo uu ku tilmaamay inay ahaayeen balaayo aan diin haysan.

Baaritaanka DNA

Khuburo ka kala timid caalamka ayaa ka caawinaya Kenya baaritaanka DNA-da iyo faro laga qaadayo dad laga soo saaray burburka hoostiisa oo loo malaynayo inay yihiin kooxihii weerarka gaystay.

Wadamada Israel,Germany, Maraykanka,Britain iyo dalal kale oo Kenya ay saaxiib yihiin ayaa ka qayb qaadanaya baaritaannada.

Dhimashada

Kooxda Alshabaab ee ka tirsan urur weynaha Alqaacida oo weerarkan mas'uuliyaddiisa sheegatay ayaa shaacisay dhimashada inay gaarayso 137, inkastoo warkaas aan si rasmi ah loo xaqiijin Karin.

Balse dawlada Kenya oo dhimashada rasmiga ah ku tilmaantay inay tahay 72 qof oo ay ku jireen 5 kamid ah raggii hubaysnaa ee weerarka qaaday ayaa culays badan kala kulmaysa warbaahinta gudaha oo doonaysa in dawladu ay shacabka u iftiimiso khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarradii xarunta ganacsiga ee Westgate.

Som 18.jpg
Som 16.jpg
Som17.jpg


Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya