4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 26, 2013
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulammo amaan la yeeshay Madaxweynaha Turkiga, Amiirka Qadar iyo Hillary Clinton (SAWIRRO)


Khamiis, September 26, 2013 (HOL) —  Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa kulammo dhinaca ammaanka ah la yeeshay madax kala duwan oo calaami ah, waxaana ka mid ah: Madaxweynaha Turkiga Cabdullaahi Guul, amiirka Qatar, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani iyo xoghayihii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka, Hillary Clinton.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah uga mahadceliyay madaxweynaha Turkiga taakulaynta hagar la'aaneed ee shacabka iyo dowladda Turkigu ay siiso Soomaaliya.

“Soomaaliya marnaba ma illoobayso walaalahooda Turkiga iyo siday ugu soo gurmadeen,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo intaas ku daray inay ka dalbanayaan caalamka inay gacan ka geystaan sidii looga hortegi lahaa dhibaatooyinka ay argagaxisadu ka waddo Soomaaliya. Isagoo sheegay in taageero buuxda oo la siiyo hay’adaha ammaanka Soomaaliya ay sabab u noqon karto ammaanka Geeska Afrika oo dhan.

Kulanka Madaxweynaha iyo Amiirka Qatar:

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la kulmay amiirka dowladda Qadar Amiir Sh. Tamim Bin Hamad Al Thaani isagoo yiri: “Kooxaha argagixisada markii laga adkaado, waxay isku dayaan inay u waxyeelleeyaan shacabka naf iyo maal ahaan, waxaana looga hortagi karaa dhismaha ciidamada xoogga dalka”

Amiirka ayaa sheegay in dowladda Qatar aysan marnaba ka seexan doonin taageerada Soomaaliya ay u hayso, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Qatar ay sii wadi doonto la shaqaynata dowladda federaalka Soomaaliya.

Kulanka Hillary Clinton:

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la kulmay xog-hayihii hore ee arrimaha dibadda dalka Maraykanka Hillary Clinton, waxayna ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen amniga, waxbarashada iyo dhaqaalaha dalka.

Madaxweynaha ayaa wuxuu yiri: “Aqoonsiga dowladda Soomaaliya la aqoonsaday maanta waxaanu ku helnay taakulaynta bankiga adduunka, hay’adda lacagta (IMF), bankiga horumarinta Afrika. Waxaanu saxiixnay heshiiskii Cotonou. Soomaaliyana horay ayay u socotaa gadaalna eegi mayno.”

Ugu danbeyn maalinta berri ah ayuu madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ka jeedin doonaa khudbad xarunta weyn ee Qaramadda Midoobay oo uu ka socdo shirka guud ee sannadlaha ah ee ay Qaramada Midoobay yeelato sannad walba.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya