4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 26, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Somalia iyo wafdi uu horkacayo oo safar shaqo ku tagay Magaalada Ankara ee dalka Turkiga (SAWIRRO)


Khamiis, September 26, 2013 (HOL) — Kaddib markii uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) uu soo gaba-gabeeyay socdaal uu ku joogay magaalada Geneve ee Switzerland oo uu kaga qayb-galayay kulankii golaha xuquuqul insaanka Qaramada Midoobay ee looga hadlayay sidii kor loogu qaadi lahaa xuquuqul insaanka Soomaaliya ayuu shalay soo gaaray magaaladda Ankara ee dalka Turkiga oo booqasho rasmi ah uu ku yimid.

Ra’ıisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxay casuumaad rasmi ah ka heleen  ra’iisul wasaaraha Turkiga, Rajab Dayib Ordogon. Waxaana wafdigan ka mid ah: wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed, wasiirka cadaaladda, Cabdullaahi Abyan Nuur, wasiir-u-dawlaha wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga , Maxamed Nuur Gacal, wasiirka horumarinta adeegga bulshada, Maryan Qaasim, wasiir ku xigeenka howlaha guud iyo gaadiidka badda, Nadiifo Maxamed Cismaan iyo qaar ka mid ah la-talıyayaasha ra’isul wasaaraha Soomaalıya.

Mudane Saacid ayaa maanta oo taariııkhdu tahay 26/9/2013, wuxuu kulan la yeelan doonaa ra’isul wasaaraha Turkiga, Erdogon iyo ku xigeenkiisa Bekir Bozdag iyadoo laga hadli doono sidii kor u qaadidda iskaashiga labada dal.

Dalka Turkiga ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan hay’ado fara badan oo ka shaqeeya samafalka iyo dib u dhiska dalka, waxaana ka mid ah hay’adahaas kuwo dib u dhis ku sameynaya laamiyada magaalada Muqdisho.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya