4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 26, 2013
Wafdi uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland oo Magaalada Sanca kula kulmay Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha Yemen
Khamiis, September 26, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmihii u dambeeyey booqasho ku joogey dalka Yemen, ayaa la kulmay madaxda ugu sarreysa dalkaas, gaar ahaan Madaxweyne Cabddul Rabbi Mansuur Haadi iyo Ra'iisul wasaare Basindawa.

Wafdiga Punltland oo ay ku jiraan xubno ka tirsan golaha wasirrada oo ay kamid yihiin: wasiirka caafimaadka Cali Cabdillaahi Warsame, wasiirka amniga Khaliif Ciise Mudan iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada, waxay madaxda Yemen isla soo qaaddeen arrimo dhowr ah.

Qodobada ay labada dhinac kulankooda kaga arrinsadeen waxaa ugu muhiimsanaa: xoojinta xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo Yemen iyo weliba sidii ay u yeelan lahaayeen iskaashi dhanka ammaanka ah, gaar ahaan la-dagaalanka burcad-badeedka iyo argagixisada.

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa uga mahad celiyey dowladda Yemen sida ay xilka isaga saartay marti-gelinta qaxootiga Soomaaliyeed ee boqollaalka kun gaaraya.

Wuxuuna intaas raaciyey in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed aysan marna illaawi doonin abaalka ay u galeen walaalahooda dalka Yemen, oo sida uu tilmamaamay Soomaalida garab u noqday xilligii ay ugu baahida badnaayeen.

Madaxweynaha Puntland oo booqashadiisa dalka Yemen kahor soo maray dalka Imaaraadka Carabta kaddib markii uu kasoo qayb galay shirkii Brussels, wuxuu sido kale booqday dalal kale oo ay kamid yihiin Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland