4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 26, 2013
Kooxo Hubeysan oo Xalay Weerar Khasaare geystay oo xalay la beegsaday Degmada Wajeer ee Waqooyi-bari Kenya
Khamiis, September 26, 2013 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay shan kalena way ku dhaawacmeen qaraxo iyo is-rasaaseyn xalay ka dhacday degmada Wajeer ee gobolka waqooyi-bari Kenya.

Taliyaha ciidamda booliska ee degmada Wajeer ayaa u sheegay idaacadda VOA-da, in qaraxyada oo loo adeegsaday bumbooyinka gacanta laga tuuro aysan wax khasaare ah geysan.

Mid kamid ah qaraxyada xalay degamada Wajeer ka dhacay, waxaa lala bar-tilmaameedsaday goob kaniisad ah oo horay qarax khasaare geystey uu uga dhacay.

Taliyaha booliska Wajeer ayaa sidoo kale sheegay, in is-rasaaseyn qaddar daqiiqado ah socotey ay dhex martay ciidamo ka tirsan booliska iyo dabley hubeysan oo weerar gaadmo ah kusoo qaaday.

Isk-hor-imaadkaas ayaa sida uu xusay waxaa ku geeriyoodey hal qof oo rayid ah, iyadoo ay afar qof oo kalena ku dhaawacmeen. Dadka dhaawaca ah waxaa ku jira qof looga shekisan yahay inuu kamid ahaa kooxdii weerarka soo qaadday.

Ciidamada Kenya ayaa weerarradan kaddib xalay degmada Wajeer ka sameeyey baaritaanno ay ku raadinayaan dad looga shekiyey in ay falalkaas ku lug lahaayeen, inkasta oo aysan ilaa iyo hadda jirin cid loosoo qabtay.

Degmada Wajeer oo 500km ka durugsan caasimadda Nairobi, horayna ay uga dhaceen weerarro -uu qaar kamid ah mas'uuliyaddooda sheegtay ururka Al-shabaab-, waxay afartii bilood ee ugu dambeeyey ka nasatay qaraxyada iyo weerarrada noocan oo kale ah.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland