3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 25, 2013
Danjire Nicholas Kay oo ku baaqay in la xoojiyo dagaalka lagula jiro Xarakada Al-shabaab lana kordhiyo Tirada Ciidamada AMISOM


Arbaco, September 25, 2013 (HOL) — Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, danjire Nicholas Kay ayaa ku baaqay in la xoojiyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab laguna kordhiyo ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya 5,000 oo askari oo dheeraad ah.

Nocholas Kay ayaa aad u cambaareeyay weerarkii ay Al-shabaab Sabtidii ku qaadday dhismaha ganacsiga Westgate Mall halkaasoo ay maalmo gacanta ku hayeen xoogaggii weeraray uuna ka dhashay khasaare badan oo isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

“Al-shabaab waxay khatar weyn ku tahay caalamka oo dhan, waana in la xoojiyo dagaalka lagula jiro si loo hakiyo khatartaas muuqata,” ayuu yiri Kay oo ku sugan dalka Switzerland.

Sidoo kale, ergaygu wuxuu sheegay in Al-shabaab ay khatar ku tahay dib u soo celinta ammaanka Soomaaliya oo caalamka iyo Soomaalidu ay aad ugu howlan tahay, isagoo xusay in haddii fursadda maanta ay Somalia haysato ay noqonto mid aan guuleysn ay Al-shabaab dagaalkooda ku baahin doonto Afrika iyo calaamka intiisa kale.

“Ammaanka waa midka dadaalka weyn loogu jiro in la helo, waxaaan saldhig u ah in Al-shabaab la jabiyo,” ayuu yiri Nicholas Kay oo intaas ku daray. “Dhaqaalaha ay beesha caalamku ku yaboohday Soomaaliya waa mid aad u yar, howsha na hortaallana waa mid aad u ballaaran.”

Kay ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada AMSIOM oo la kordhiyo ay fursad u noqonayso in Al-shabaab laga adkaado, isagoo sheegay in kooxdan horay looga saaray deegaanno badan oo Soomaaliya ka tirsan.

Hadalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo xoogag taabacsan Xarakada Al-shabaab ay afar maalmood gacanta ku hayeen suuq ganacsi oo Nairobi ku yaalla, waxaana weerarkaasi uu noqonayaa kii ugu xumaa ee Al-shabaab ay Kenya ka geysato  muddo 15-sano ka badan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
9/25/2013 1:51 PM EST
Arbaco, September 25, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa sheegay in kooxda Al-shabaab aysan khatar ku ahayn Soomaaliya iyo Afrika oo keliya, balse ay khatar ku tahay caalamka oo dhan.

9/25/2013 12:12 PM EST
Arbaco, September 25, 2013 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka warfaafinta, boostada, is-gaarsiinta iyo gaadiidka ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane C/laahi Ciil-mooge Xirsi, ayaa ku sugan magaalada Montreal ee dalka Canada.

9/25/2013 8:55 AM EST
Arbaco, September 25, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa guddi heer wasiir ah u magacowday qabanqaabada shirka dib u heshiisiinta Jubba, kaasoo lagu qaban doono magaalada Muqdisho.

9/25/2013 8:40 AM EST
Arbaco, September 25, 2013 (HOL) — Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweeyne ku xigeenka maamulka Jubba Jen. C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa mudo laba bilood ah lagu mamnuucay dhismaha dhulalka bannaan iyo kuwa laysku heysto.

9/25/2013 4:52 AM EST
Arbaco, September 25, 2013 (HOL) — Kal-fadhigii 24-aad ee golaha xuquuqul insaanka Qaramada Midoobay oo maanta ka dhacay magaalada Geneve - Switzerland kaasoo diiradda lagu saaray xuquuqda aadanaha Soomaaliya ayaa lagu ammaanay dadaalka xukuumadda Soomaaliya ugu jirto taabbo-galinta dhawrista iyo horumarinta xuquuqda aadanaha, iyadoo 22-kii sano ee lasoo dhaafay ay dalka ka dhacayeen xad-gudubyo liddi ku ah xuquuqda Aadanaha.

9/25/2013 4:50 AM EST
Arbaco, September 25, 2013 (HOL) —Qurba jooga deegaanka Jir-jir ee gobolka Awdal ayaa waxay fasallo wax lagu barto ku kordhiyeen dugsiga hoose iyo dhexe ee deegaankaas, iyadoo munaasabaddii lagu furayay ay ka soo qaybgaleen cuqaasha, waxgaradka, xildhibaannada golaha deegaanka Boorama iyo haween qurba-joog ah oo kasoo jeeda deegaankan.

9/25/2013 4:02 AM EST
Arbaco, September 25, 2013 (HOL)- Biyo la'aan xooggan ayaa ka jirta degmada Qandala ee gobolka Bari, kaddib markii aysan halkaas muddo dhowr sano wax roobab ahi ka di'in.

9/25/2013 3:07 AM EST
Baarlamaanka Kenya ayaa shalay galinkii dambe yeeshay kulan looga hadlayay ammaanka dalka kadib markii Alshabaab ay qaaday weerar khasaare badan dhaliyay oo lala beegsaday xarun ganacsi oo ku taalla xaafada Westlands oo kamid ahayd meelaha ugu ammaanka fiican ee magaalada Nairobi.