9/24/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 25, 2013
Maamulka KMG Jubba oo Wareegto uu Maanta soo saaray ku Mamnuucay Dhismaha Dhulalka bannaan iyo kuwa laysku heysto


Arbaco, September 25, 2013 (HOL) — Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubba Jen. C/laahi Sheekh Ismaaciil Far-taag ayaa mudo laba bilood ah lagu mamnuucay dhismaha dhulalka bannaan iyo kuwa laysku heysto.

Wareegtadan oo uu ku saxiixnaa madaxweyne-kuxigeenka maamulka Jubba ayaa ku socotay Maxkamadda degmada Kismaayo, saraakiisha ciidamada ammaanka iyo kuwa Booliska iyo madax kale.

Hoos ka akhri wareegtada kasoo baxday maamulka Jubba ee lagu mamnuucayo dhismaha dhulalka bannaan iyo kuwa laysku heysto.

WAREEGTADII HALKAN KA AKHRI:

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya










Click here
9/25/2013 1:51 PM EST
Arbaco, September 25, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa sheegay in kooxda Al-shabaab aysan khatar ku ahayn Soomaaliya iyo Afrika oo keliya, balse ay khatar ku tahay caalamka oo dhan.

9/25/2013 12:12 PM EST
Arbaco, September 25, 2013 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka warfaafinta, boostada, is-gaarsiinta iyo gaadiidka ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane C/laahi Ciil-mooge Xirsi, ayaa ku sugan magaalada Montreal ee dalka Canada.

9/25/2013 8:56 AM EST
Arbaco, September 25, 2013 (HOL) — Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, dajire Nicholas Kay ayaa ku baaqay in la xoojiyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab laguna kordhiyo ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya 5,000 oo askari oo dheeraad ah.

9/25/2013 8:55 AM EST
Arbaco, September 25, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa guddi heer wasiir ah u magacowday qabanqaabada shirka dib u heshiisiinta Jubba, kaasoo lagu qaban doono magaalada Muqdisho.

9/25/2013 4:52 AM EST
Arbaco, September 25, 2013 (HOL) — Kal-fadhigii 24-aad ee golaha xuquuqul insaanka Qaramada Midoobay oo maanta ka dhacay magaalada Geneve - Switzerland kaasoo diiradda lagu saaray xuquuqda aadanaha Soomaaliya ayaa lagu ammaanay dadaalka xukuumadda Soomaaliya ugu jirto taabbo-galinta dhawrista iyo horumarinta xuquuqda aadanaha, iyadoo 22-kii sano ee lasoo dhaafay ay dalka ka dhacayeen xad-gudubyo liddi ku ah xuquuqda Aadanaha.

9/25/2013 4:50 AM EST
Arbaco, September 25, 2013 (HOL) —Qurba jooga deegaanka Jir-jir ee gobolka Awdal ayaa waxay fasallo wax lagu barto ku kordhiyeen dugsiga hoose iyo dhexe ee deegaankaas, iyadoo munaasabaddii lagu furayay ay ka soo qaybgaleen cuqaasha, waxgaradka, xildhibaannada golaha deegaanka Boorama iyo haween qurba-joog ah oo kasoo jeeda deegaankan.

9/25/2013 4:02 AM EST
Arbaco, September 25, 2013 (HOL)- Biyo la'aan xooggan ayaa ka jirta degmada Qandala ee gobolka Bari, kaddib markii aysan halkaas muddo dhowr sano wax roobab ahi ka di'in.

9/25/2013 3:07 AM EST
Baarlamaanka Kenya ayaa shalay galinkii dambe yeeshay kulan looga hadlayay ammaanka dalka kadib markii Alshabaab ay qaaday weerar khasaare badan dhaliyay oo lala beegsaday xarun ganacsi oo ku taalla xaafada Westlands oo kamid ahayd meelaha ugu ammaanka fiican ee magaalada Nairobi.