4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 25, 2013
Qurbo-joogta UK ee ka soo jeeda Gobolka Awdal oo Fasallo Cusub ku daray dhismaha Iskuulka deegaanka Jir-jir (SAWIRRO)


Arbaco, September 25, 2013 (HOL) —Qurba jooga deegaanka Jir-jir ee gobolka Awdal ayaa waxay fasallo wax lagu barto ku kordhiyeen dugsiga hoose iyo dhexe ee deegaankaas, iyadoo munaasabaddii lagu furayay ay ka soo qaybgaleen cuqaasha, waxgaradka, xildhibaannada golaha deegaanka Boorama iyo haween qurba-joog ah oo kasoo jeeda deegaankan.

Munaasabaddan oo ahayd mid loogu mahad-naqayay Qurba-jooga gobolka Awdal oo deeq lacaga oo dhan $9,550 ku bixiyay dhismaha fasallada cuusb ee iskuulkan lagu kordhiyay.

Deeqa Maxamuud Dhawal oo ahayd wakiilka qurbo-joogta lacagtan bixiyay oo ku nool magaalada London ee dalka Britain ayaa sheegtay in tallaabadan ay tahay mid ay ku doonayan inay ku horumariyaan waxbarashada Jir-jir, ayna ku faraxsan tahay in maanta howshii loo idmaday ay dhameystirtay.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay Ibraahim Aw-Cali, Faarax Aw-Axmed Gadiid, Ciise Nuur Barkhad (Nuur Bowne) Iyo Maxamed Ibraahim Diiriye oo ah duqeyda deegaanka, waxayna u mahadceliyeen jaaliyadda kasoo jeeda gobolka ee deeqdan lacagta ah bixiyay.

Waxaa isaguna halkaas ka hadlay xildhibaan Maxamed Aadan Muumin oo ah xildhibaan laga soo doorto deegaanka Jir-jir ayaa sheegay inuu u mahad-celinayo jaaliyadda UK, gaar ahaan intii ka qaybqaatay dhismaha fasallada cusub ee iskuulka.

Caaqil Cabdi Axmed Cige oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu mahadcelinayo gabadha hawshan waday ee loosoo idmaday iyo jaaliyadda UK, sidoo kale wuxuu baaq u diray wasaaradda  waxbarashada iyo hay’adda samafalka inay ka qaybqaataan dib u habeyn lagu sameeyo iskuulka, iskuulkaas oo ka kooban fasallada toddobaad iyo sideedaad oo ay dhigtaan ilaa 200 oo arday, macalimiinta wax ka dhigana ay gaarayaan 18 macalin.

Ugu dambeyn, waxaa goobtaas ka hadlay maamulaha dugsig, Ibraahim Aw-Axmed Kaahiye isagoo uga mahad-celiyay ciddii ka qaybqaadatay dhismaha labadan qol iyo jaaliyadda UK, sidoo kale wuxuu baaq u diray wasaaradda  waxbarashada Somaliland iyo haya’daha ay wada-shaqeynta leeyihiin isagoo ka dalbaday inay ka qaataan howsha lagu horumarinayo dugsiyada gobolka.









Khadro Xasan Nuux, Hiiraan Online
[email protected]
Boorame, Somaliland