3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 25, 2013
Baarlamaanka iyo shacabka Kenya oo dhaliilay hay'adaha ammaanka kadib weerarkii lagu hoobtay ee Westgate
kenyan-parliament.jpg
Arbaco, September 25, 2013 (HOL) - Baarlamaanka  Kenya ayaa shalay galinkii dambe yeeshay kulan looga hadlayay ammaanka dalka kadib markii Alshabaab ay qaaday weerar khasaare badan dhaliyay oo lala beegsaday xarun ganacsi  oo ku taalla xaafada Westlands oo kamid ahayd meelaha ugu ammaanka fiican ee magaalada Nairobi.

Gudoomiyaha baarlamaanka Kenya Justin Muturi oo furay fadhiga ayaa ka dalbaday xildhibaanada inay sameeyaan hal daqiiqo oo aamusnaan ah si loo xuso dadkii ku dhibaatoobay weerarkii argagaxa badan dhaliyay ee lagu qaaday Westgate.

Xildhibaanada ayaa muujiyay sida ay u dhaliilsanyihiin hay’adaha ammaanka iyagoo is waydiiyay sida loo soo galiyay dalka hubkii tirada badnaa ee isticmaaleen kooxdii weerarka qaaday kaasoo keenay in ciidamada ay ku qaadato afar maalmood in lasoo gabagabeeyo weerarkaas.

 “Waa in su’aalo adag la waydiiyaa saraakiisha ammaanka waayo waxaa ku baxa lacag fara badan oo canshuur bixiyayaasha laga soo qaado”  ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Joyce Laboso.

Xildhibaanka laga soo doorto Westlands Timothy Wanyonyi  oo ay ku taallo xarunta Westgate ee lala beegsaday weerarka ayaa dalbaday in dib loo eego shaqada ay hayaan saraakiisha ammaanka oo uu ku tilmaamay inay ku guul darraysteen shaqadii loo igmaday.

 “Weerarkani ma ahayn mid si kadis ah ku dhacay ee wuxuu ahaa mid lasoo qorsheeyay oo muddo dheer laga shaqeeyay” ayuu yiri Timothy Wanyonyi  oo laga soo doorto xaafada Westlands oo is waydiiyay sababta keentay in sirdoonka waddanku ogaan waayaan dhaqdhaqaaqyada ay samaynayeen kooxda weerarka fulisay.

Hogaamiyaha xisbiga talada haya ee aqlabiyada Aadan Barre Ducaale ayaa ku tilmaamay weerarka Westgate inuu ahaa mid hurdada ka kiciyay dawlada oo ay tahay inay dib u habayn ku samayso hay’adaha ammaanka ee dalka.

 “Waxaa la gaaray xilligii aan qiimayn ku samayn lahayn saakiisheena ammaanka, waxaa la gaaray xilligii aan is waydiin lahayn shaqo noocee ah bay hayaan raga iyo haweenka maamula ammaanka dalkeena, ammaankeenu waa muhiimada koowaad, waxaan hubaa in madaxweynaha iyo dawladiisa ay wax ka qaban doonaan arrinkan” ayuu yiri Ducaale.

Hogaamiyaha xisbiga aqlabiyada ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in magaalada Gaarisa oo isaga laga soo doorto ay ka dhaceen weeraradii ugu badnaa ee argagixiso wuxuuna sheegay in weerarada Gaarisa ka dhacay ee kaniisadaha lagu qaaday in looga gol lahaa sidii Kenya loo galin lahaa dagaal u dhexeeya muslimiinta iyo masiixiyiinta.

Dadweynaha

Marka laga soo tago xildhibaanada, dadweynaha Kenya ee warbaahinta la hadlay ayaa dalbaday in la dhimo mushaaraadka ay qaataan xildhibaanada baarlamaanka oo lacagtaas loogu kordhiyo miisaaniyada hay’adaha ammaanka oo ay ku dhaliileen inay ku guul darraysteen weeraradii bilowday sabtidii oo ahaa kuwo lala yaabay qaabka loo soo qorsheeyay.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa xalay ku dhawaaqay inuu dhammaaday hawgalkii ciidamadu ay ku soo afjarayeen kooxihii weerarka qaaday isagoo sheegay in Kenya ay ka guulaystay argagixisada.

Waxaana weerarkan ku dhintay 62 oo shacab ah, 6 kamid ah askarta Kenya iyo 5 kamid ah kooxihii weerarka qaaday, iyadoo uu sheegay madaxweynuhu in qaar kamid ah dabakhyadii dhismaha Westgate oo dumay loo malaynayo inay ku hoos jiraan qaar kamid ah kooxihii weerarka qaaday.

Axmed C/samad,Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya












Click here
9/25/2013 1:51 PM EST
Arbaco, September 25, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa sheegay in kooxda Al-shabaab aysan khatar ku ahayn Soomaaliya iyo Afrika oo keliya, balse ay khatar ku tahay caalamka oo dhan.

9/25/2013 12:12 PM EST
Arbaco, September 25, 2013 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka warfaafinta, boostada, is-gaarsiinta iyo gaadiidka ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane C/laahi Ciil-mooge Xirsi, ayaa ku sugan magaalada Montreal ee dalka Canada.

9/25/2013 8:56 AM EST
Arbaco, September 25, 2013 (HOL) — Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, dajire Nicholas Kay ayaa ku baaqay in la xoojiyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab laguna kordhiyo ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya 5,000 oo askari oo dheeraad ah.

9/25/2013 8:55 AM EST
Arbaco, September 25, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa guddi heer wasiir ah u magacowday qabanqaabada shirka dib u heshiisiinta Jubba, kaasoo lagu qaban doono magaalada Muqdisho.

9/25/2013 8:40 AM EST
Arbaco, September 25, 2013 (HOL) — Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweeyne ku xigeenka maamulka Jubba Jen. C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa mudo laba bilood ah lagu mamnuucay dhismaha dhulalka bannaan iyo kuwa laysku heysto.

9/25/2013 4:52 AM EST
Arbaco, September 25, 2013 (HOL) — Kal-fadhigii 24-aad ee golaha xuquuqul insaanka Qaramada Midoobay oo maanta ka dhacay magaalada Geneve - Switzerland kaasoo diiradda lagu saaray xuquuqda aadanaha Soomaaliya ayaa lagu ammaanay dadaalka xukuumadda Soomaaliya ugu jirto taabbo-galinta dhawrista iyo horumarinta xuquuqda aadanaha, iyadoo 22-kii sano ee lasoo dhaafay ay dalka ka dhacayeen xad-gudubyo liddi ku ah xuquuqda Aadanaha.

9/25/2013 4:50 AM EST
Arbaco, September 25, 2013 (HOL) —Qurba jooga deegaanka Jir-jir ee gobolka Awdal ayaa waxay fasallo wax lagu barto ku kordhiyeen dugsiga hoose iyo dhexe ee deegaankaas, iyadoo munaasabaddii lagu furayay ay ka soo qaybgaleen cuqaasha, waxgaradka, xildhibaannada golaha deegaanka Boorama iyo haween qurba-joog ah oo kasoo jeeda deegaankan.

9/25/2013 4:02 AM EST
Arbaco, September 25, 2013 (HOL)- Biyo la'aan xooggan ayaa ka jirta degmada Qandala ee gobolka Bari, kaddib markii aysan halkaas muddo dhowr sano wax roobab ahi ka di'in.