4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 24, 2013
Madaxweynaha Kenya oo sheegay inay ciidamadiisu soo Afjareen Howlgalkii ka socday Rugta Ganacsiga Westgate Mall


Talaado, September 24, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay caawa in lasoo soo afjaray howlgalkii ka socday rugta ganacsiga Westgate Mall, kaddib afar maalmood oo ay gacanta ku hayeen koox hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab.

Kenyatta oo ka hadlay telefishinka dalka Kenya ayaa sheegay in shan ka mid ah kooxdii weerarka qaadday lagu dilay howlgalka, 11 kale oo laga shakisan yahayna ay gacanta ku dhigeen.

" Howlgalkii ka socday Westgate Mall waa lasoo afjaray, waana la jabiyay kooxdii weerarka qaaday. Weerarkaas waxaa ku dhintay 61-qof oo lix ka mid ahi ay yihiin ciidamadeenna"”Uhuru Kenyatta ayaa yiri.

Madaxweynaha Kenya wuxuu sidoo kale sheegay in saddex maalmood oo baroor-diiq Qaran ah ay billaabanayso Arbacada berri ah, isagoo xusay in saddexaas maalmood loo barooran doono dadkii weerarkaas naftooda ku waayey.

Dhanka kale, Kenyatta wuxuu sheegay in dhismaha dhexdiisa lagu arkay maydad isugu jira kooxdii weerarka ku qaaday iyo qaar kamid ah dadkii la-haystayaasha ahaa.

Weerarka oo ay mas'uuliyaddiisa sheegatay kooxda Al-sbabaab ayaa waxaa ku dhaawacmay 175 qof, kuwaasoo haatan lagu daweynayo isbitaallada kala duwan ee ku yaalla magaalada Nairobi.

"Fulayadii weerarka qaaday waxaa la horgeyn doonaa cadaaladda, sidoo kale waxaan la xisaabtami doonnaa cid walba oo lug ku lahayd, cid walba oo ay yihiin"”ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.

Dadka ku dhintay weerarka ayaa waxaa ku jiray 18 qof oo shisheeye ah oo lix ka mid ah ay ahaayeen Britain, iyadoo kuwa kalena ay u kala dhasheen dalalka: Faransiiska, Kanada, Holland, Australia, Peru, Hindiya, Gaana, Koonfur Afrika iyo Shiinaha.

Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, ayaa ku goodisay mar kale inay weerarro ka geysanayso Kenya, haddii aysan xukuumadda dalkaas si dhaqso ah ciidamadeeda ugala bixin Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in weerarkani uu ahaa mid ay uga jawaabayeen dhibaatooyin uu sheegay in ciidamada Kenya ee AMISOM ka tirsani ay u geysteen dad Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Kenya wuxuu sheegay inuusan xaqiijin Karin in weerarkan ay ku lug lahaayeen laba ama saddex qof oo u dhashay dalka Britain, balse waan caddeyn doonnaa ayuu yiri dadkii weerarkaas fuliyay dalalka ay u kala dhasheen.

Laakiise, wasiiradda arrimaha dibadda ee Kenya, Aamina Maxamed ayaa wareysi ay siisay Telefishin Mareykanka laga leeyahay ku sheegtay inay ku jiraan dadka weerarka geystay dhallinyaro u dhashay dalka Mareykanka oo da'doodu u dhexeyso 18-sano illaa 19-sano, asal ahaanna kasoo jeeda Soomaaliya ama dalalka carabta.

Weerarkan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu xumaa oo ay Al-shabaab ka geysato dalka Kenya, kaddib 1998-kii markaasoo la qarxiyey safaaradda uu Mareykanku ku leeyahay magaaladas oo ay ku dhinteen in ka badan dad ka badan 200-qof.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya