4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 24, 2013
Hay’adda AMNESTY oo Cambaareysay Weerarkii Al-shabaab ay ku Qaadday Kenya kana digtay in Shacabka la dhibaateeyo


Talaado, September 24, 2013 (HOL) — Hay’adda Amnesty International oo u doodda xuquuqda aadanaha ayaa weerarkii ay Al-shabaab ku qaadday suuqa ganacsi ee Westgate ku tilmaantay mid arxan-darro ah oo ay ku beegsatay dad aan waxba galabsan oo ku jiray howl-maalmeedkoodii caadiga ahaa.

“Amnesty waxay garab-taagan tahay shacabka Kenya, waxaana dowladda ugu baaqaynaa inay ilaaliso midnimada shacabkeeda ayna baaitaanno dhab ah ku sameyso kuwii geystay weerarkaas," ayay tiri xoghayaha guud ee hay’adda, Salil Shetty.

Sidoo kale, Shetty waxay sheegtay in Amnesty ay soo dhaweynayaan hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ee ahaa inay baaritaan ku sameyn doonaan weerarka, ayna sharciga la tiigsan doonaan kuwii ka dambeeyay.

“Xukuumadda Kenya waxaan ugu baaqaynaa inaysan u xiran weerarkaas dad tuhun laga qabo, waana inay ilaaliso sharciyada xuquuqda aadanaha ee calaamka iyo midnimada shacabka Kenya,” ayay sakaaladdu hadalkeeda raacisay.

Amnesty ayaa sheegtay in dadkii lagu dilay weerarka oo gaaraya 69-qof uu ku jiray gabyaa u dhashay dalka Gaana oo lagu magcaabo, Kofi Awoonor, kaasoo ay sheegtay inuu ahaa gabyaa ka hadli jiray siyaasadda dalkiisa tan iyo sannadihii toddobaatanaadkii.

“Weerarka ka dhacay Kenya ma ahan oo keliya mid taabanaya shacabka Kenya, balse waa mid taabanaya caalamka oo dhan. Beesha calaamku waxay muujiyeen sida ay u garab-taagan yihiin in la ilaaliyo midnimada shacabka Kenya,“ ayay Shetty hadalkeeda raacisay.

Tan iyo markii ay Kenya ciidamada u soo dirtay Soomaaliya sannadkii 2011 kooxda Al-shabaab waxay ka geysanaysay dalkaas dilal, qaraxyo iyo weliba afduubyo, iyadoo ciidamada Kenya ay hadda ka mid yihiin howlgalka dalka Soomaaliya ka socda ee AMSIOM.

Al-shabaab ayaa horay ugu goodisay inay weerarro ka geysan doonto dalka Kenya, iyadoo sheegtay in weerarradaas ay ugu aargudi doonto shacab ay sheegtay inay ciidamada Kenya ku laayeen gudaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn, hay’adda Amnesty International ayaa waxay sheegtay inay aad uga xun tahay dadkii ku dhintay weerarkaas, iyadoo sheegtay in  tani ay qayb ka tahay dhibaatooyinka ay kooxdan ka geysanayso gudaha Somalia iyo dalalka dariska la ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya