4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 24, 2013
Guddoomiyaha Degmada Berdaale oo la Dhaawacay iyo Dibad-bax ka socda Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay

Talaado, September 24, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha degmada Berdaale ee gobolka Baay, Caro-cas ayaa waxaa lagu dhaawacay howlgal ay ciidamadu ku soo qabanayeen gacan-ku-dhiigle habeen hore magaalada Baydhabo ku dilay askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo meydkiisa ceel lagu ridey.

Dhaawaca guddoomiyaha ayaa ah mid fudud, waxaana sidoo kale lagu guuleystey in gacanta lagu soo dhigo gacan-ku-dhiiglihii dilka geystey.

Guddoomiyaha la dhaawacay ayaa waxaa lagu daweynayaa isbitaalka guud ee magaalada Baydahbo, waxaa kaloo uu dhaawac soo gaarey qaar kamid ah askartii ka qayb qaadanayay howgalka ilaalana u ahaa guddoomiyaha Bardaale.

Ciidamada ayaa u taxaabay gacan-ku-dhiiglihii dilay askariga xabsiga dhexe ee magaalada Baydhabo, gacan-ku-dhiigla ayaa waxaa dhalay oday caan ka ah magaalada islamakaana ka mid ah abwaannada Soomaaliya ee aadka loo yaqaan, kaasoo lagu magacaabo Isaaq Abgaaloow.

Dhinaca kale degmada Baydahbo waxaa xilligan ka socda bannaanbax aad u weyn oo lagu taageerayo shirka maamulka loogu sameynayo gobollada lixda ah, iyadoo la xiray dhammaan goobihii ganacsiga ee magaaladaas.


Hiiraan Online, Baydhabo