4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 24, 2013
Saddex ka mid ah Ciidamada Kenya oo lagu dilay dagaalka maalintii afaraad ka socda Xarunta Ganacsiga ee Westgate

Talaado, September 24, 2013 (HOL) - Afhayeen u hadlay ciidamada Kenya ayaa xaqiijiyay in 3 kamid ah ciidamadooda ay ku dhinteen dagaallada ay ku doonayaan inay ku soo badbaadiyaan dadka maxaabiista ah ee goobtaas lagu haysto.

8 kale oo dhaawacyo kala duwani ay soo gaareen ayaa la dhigay isbitaalka sida ay xaqiijiyeen ciidanka Kenya.

Kooxda Alshabaab oo goordhow qoraal ku soo bandhigtay bar cusub oo ay ka furatay Twitterka ayaa sheegtay in dhimashadu ay ka badantahay lixdan ayna jiraan mayd dhex daadsan dhismaha uu dagaalku ka socdo.

Muuqaallo toos ah oo taleefishinka laga daawanayo ayaa muujinaya qiiq ka baxaya dhismahaas oo goor dhow laga maqlay rasaas la is waydaarsanayo iyo hugunka qaraxyada.

Alshabaab waxay kaloo sheegtay in dagaalkan uu ka culusyahay sida loo malaynayo oo ay haystaan dhammaanba maxaabiistii ay ku qabsadeen dhismahaas oo badqaba.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya